“Dekedda Berbera Ama Ta Boosaaso Cid Kasta Oo Tidhaahda, Waanu Maal-gashanaynaa..” Wasiirka Dekedaha Somalia

Hargeysa  (SL.Post)  Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Nuur Faarax Xirsi, ayaa  hadlay maalgelinta dekedaha Soomaaliya iyo shuruudaha ku xidhan cidda doonaysa inay maalgeliso.

 

 

 

 

“Maadaama aanu dekedaha aanu aragno hanti qaranka Soomaaliyeed leeyahay, haddana, maanta waxa jira oo cid waliba og tahay hantidaasi ama Dekedahaasi waxay ku jiraan gacmo kala duwan oo maamula, laakiin sharci ahaan iyo nidaam ahaan meesha loo marayo haday malgelin noqoto iyo haday arrin kale noqotaba waa dawladda federaalka ee Soomaaliya. Haddana waxaanu leenahay in dadkaa haya ee Soomaaliyeed, maadaama aanay dhawr iyo labaatankii sano ee ay burburka ku jirtay aanay ka bixin gacantii soomaaliya, waxaanu aqoonsanahay inay mudan yihiin in lagu ilaaliyo oo lagu ixtiraamo gacmahaa, laakiin mar qudha in aanay ka bixin gacanta dadka soomaaliyeed. waxaanu u aragnaa inay horumarintooda iyo maamulkooda ay gacanta ku hayaan, laakiin horumarintooda waxaanu qabnaa qolyaha gacanta ku hayaa inay masuuliyadda labaad leeyihiin, ta koowaadna ay anaga na saaran tahay. Anagoo taa u tixgelinayna  waxaanu kala shaqaynaa horumarintooda iyo balaadhinta iyo wixii maalgelin u helayaba, wax alaale iyo wixii runtii horumar ah ee maamuladdu keenaan aad baanu u soo dhawaynaynaa, laakiin waxaanu doonaynaa in gacmahay ku jirraan lagu ilaaliyo.”

 

 

 

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, waxa uu intaas ku daray,  “Tusaale ahaan dekedda Berbera ama ta Boosaaso ama ta Kismaanyo cid kasta oo timaadaa oo tidhaahda waxaanu doonaynaa in aanu maalgashano, arrinta koowaad waxa weeye dekeddaasi waa intaasoo mitir, markaad intaa in le’eg ku darto kadib ayaa laga wada hadlayaa, markaa aad baan u soo dhawaynaynaa in la maalgashado.” ayuu yidhi Wasiir Nuur Xirsi.

 

 

 

Somaliland.post.Hargeysa