Dekeda Berbera oo Guul Ballaadhan ka soo Hoysay Qiimeynta Carwo Caalami ah oo lagu Qabtay Dalka Itoobiya (SAWIRRO)

Addis Ababa (SLpost)- Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland ayaa wacdaro la taaban karo ka muujisay Carwadda 6aad ee caalamiga ah ee Ganacsiga ee  Itoobiya (6th Ethio-chamber international Trade Fair), ka dib markii ay kaalinta labaad ka gashay markii la qiimeeyey adeegyadeeda iyo sida bandhiggii ay halkaas ka muujisay, waxaana ka horreeyey oo kaliya shirkada Isgaadhsiinta dalka Itoobiya ee Ethiopia Telecom.

Carwadan oo shirkadihii iyo Wakaaladihii ka qayb-galay oo ka badnaa kumaan kun isaga kala yimi adduunka iyo qaaradda Afrika, waxa ay ku soo bandhigeen ganacsiga iyo adeegyada ay hay’ad kasta ama Shirkad kastaa ka u qabato bulshooyinka ay u adeegaan.

dekedaWefti ka socda Dekedda Caalamiga ah ee Berbera oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Gaarka ah ee Maareeyaha Dekeda Berbera Cabdiraxmaan Aar Jaamac iyo Kuxigeenka Madaxa Waaxda Shaqaalaha ee Dekeda Berbera Axmed Haybe Warsame oo Carwada ka qayb-galoay, ayaa goobtaasi siweyn ugu soo bandhigay Muuqaal qurxoon ka tarjumaya Dekeda Caalamiga ah ee Berbera iyo adeegyada baaxada leh ee ay u qabato bulshada, sida dejinta iyo rarista badeecooyinka xoolaha iyo agabka kale iyo qiimaha ay mandaqada ugu fadhido iyo istaraatiijada ay juquraafi ahaan leedahay.

Xoghayaha Gaarka ah ee Maareeyaha Dekeda Berbera Cabdiraxmaan Aar Jaamac oo warbaahin ka socotay Somaliland kula hadlay goobta ay Carwadu ka socotay, ayaa ka Hadlay dareenkiisa ku aaddan kaalinta ay kasbadeen Carwada, ayaa yidhi, “Carwadani waxay ahayd tii lixaad ee qabsoonta ee ganacsiga oo ay kasoo qeybgaleen wadamo afrikaan ah, safaaradaha Yurub ee Itoobiya fadhigoodu yihiin sida safaarada Sweden oo aanu is-ag deganayn iyo ganacsatada afrikaanka iyo Itoobiyaanka. Waxanu runtii usoo bandhignay sida xukuumada Somaliand iyo maamulka Dekeda Berbera ee Maareeyuhu u horeeyo ay usoo dhaweynayaan ganacsatada Afrika iyo Itoobiyaba istaraatiijiyada ay leedahay dekedu juquraafi ahaan iyo si ay ugu dhowdahay bulshada reer Itoobiya ee ganacsatada ah waxanu soo bandhignay qoraalo iyo muuqaalo ka hadlaya dekeda oo ay shaqadu ka socoto.”

dekeda3Waxaanu intaasi ku daray oo yidhi, “bulshada reer Itoobiya waxay ka dharagsanyihiin muhiimada ay leedahay dekeda Berbera hadaba shahaadadan kaalinta labaad ee anu ka galnay carwadani waa guul usoo hoyotay horumarka dekeda iyo xukuumada somaliland waxaanu agaasimayaasha carwadani ka markhaati keceen siday ay dekeda u qaban karto shaqo kasta oo ganacstada afrika iyo itoobiya u baahdaan” ayuu kusoo koobay hadalkiisa.

Ku-xigeenka Madaxa Waaxda Shaqaalaha ee Dekeda Berbera Axmed Haybe Warsame oo isaguna dareenkiisa ka hadlay, ayaa yidhi, “Sharaf weyn ayay noo tahay inaan ka qeybgalnay carwadaasi oo aanu soo hoynay guusha kaalinta labaad sida loo soo bandhigay waxqabaddka iyo hawlkarka dekeda caalamiga ah ee Berbera.”

Dekeda Berbera ayaa dadaal weyn ugu jirta sidiiay kasban lahayd ganactasada Itoobiya oo marinka badda ee Berbera isticmaala mustaqablkana la doonayo inay si weyn u isticmaalaan dekeda Berbera, waxaanay shahaadada lagu siiyey inay kaalinta labaad ka gasho carwadaasi muujinaysaa sida ay dekeda Berbera ugu diyaarsantahay Buuxinta kaalintaasi.

SOMALILANDPOST.NET