Dekeda Berbera Oo Ay Buuxdhaafiyeen Gaadiid Cashuur Dusha Laga Saaray iyo Lanbar La’aan Ah

Berbera (SLpost)-In ka badan afar boqol oo baabuur ayaa afartii maalmood ee ugu danbeeyey ku xaniban Dekeda Berbera kadib markii ay waayeen nambaradii baabuurta loogu dhajin lahaa marka ay cashuurtaan.

Sidoo kale, waxa saaka ka soo cusboonaaday dekeda Berbera caqabad kale oo ka dhalatay cashuur lagu kordhiyey gaadiidka ka soo degaya dekedda, kuwaas oo ka badan baabuurta u xaniban nambar la’aanta.

dekedda

Labadan caqabadood ayaa Dekedda Berbera ka dhigay meel ay ka muuqato carqalado maamul xumo, kuwaas oo ay dhib badan ka muteen ganacsatada Macradada ee leh gaadiidka yaala Dekedda, iyagoo ku dhex dawakhay marada cusub.

Lama garanayo sababta ay gaadiidku ugu xaniban yihiin Nambarada, hase yeeshee ganacsatada ayaa sheegaya in khilaaf u dhaxeeya wasaaradda Hawlaha Guud iyo gaadiidka iyo shirkadda Nambarada samaysa.

Cashuuraha la kordhiyey ayay dhawaan Golaha wakiiladdu diideen in lagu shaqeeyo kadib markii sanadkan lagu soo daray Miisaaniyadda cashuuro.