DEGDEG: Sucuudiga oo ku Dhawaaqay Isbahaysi Militari

 

Riyad(SLpost) – Saudi Arabia ayaa salaasada maanta ku dhowaaqay wax uu ugu yeedhay Isbaheysi Milatari oo Islaami ah oo ka kooban 34 dal, si uu ula dagaalamo argagixisada.

 

Wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa daabacday bayaan lagu sheegay in hindisahan uu ku jiri doono sameynta xarun isku xidha howlgallada milatari ee isbaheysigan oo laga sameynayo magaalada Riyad.

 

Bayaanka ayaa lagu sheegay in “Argagixisada ay tahay xadgudub daran oo ka dhan ah xuquuqda iyo sharafta bani aadamka, gaar ahaan xuquuqda nololeed iyo tan ammaan”, islamarkaana in “Ficillada musuq-maasuqa iyo argagixisanimada aan sinaba loogu cudur daari karin”.

 

Dhaxal sugaha labaad ee Sacuudiga ahna wasiirka gaashaandhigga Maxamed Bin Salman ayaa shir jaraa’id ka sheegay in aan diiradda la saari doonin oo kaliya hal urur oo argagixiso oo kaliya.

 

Isbaheysigan ayaa waxaa ku jira dalalka Jordan, Bahrain, Turkey iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo iminka weeraro duqeyn ah ka fulinaya dalka Syria, ayaga oo qeyb ka ah xulufada Mareykanka uu hogaaminayo  ee la dagaalamaya kooxda Daacish.

 

Waxaa sidoo kale ku jira dalalka Tunisia, Lebanon, Libya, Egypt, Pakistan, Bangladesh, Malaysia, Sudan, Somalia, Mali iyo Nigeria.