DEG-DEG: Qarax Mar kale Caawa ka dhacay magaalada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Qarax dhawaaqiisa laga maqlay qaybaha kala duwan ee magaalada, ayaa caawa abbaabor 9:30-kii Fiidnimo ee saacadda Geeska Afrika ka dhacay  dhacay magaalada Hargeysa, waxaanu dhawaaqiisu la mid yahay qaraxii xalay magaalada ka dhacay.

news1Goobta Qaraxu ka dhacay, meel aan wax yar u jirta madaxtooyada Somaliland, gaar ahaan agagaarka dugsiga Sare ee Faarax Oomar, waxaana dhawaaqiisa laga maqlayey qaybo badan oo xaafadaha magaalada ah.

Taliyaha Booliska Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan dad lagu tuhunsan yahay qaraxa xalay dhacay oo uu ku sheegay inuu ahaa nooca Macmalka ah, mana jiro khasaare uu geystay Qaraxa.

Qaraxa xalay oo abbaaro 12:30kii habeenimo la maqlay, ayaa ka dhacay Meel biyo-mareen ah oo dhinaca ku haysa waddada laamiga ah ee daba-marta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, gaar ahaan halka ay ka bilaabanto waddada laamiga ahi ah oo dhinaca Woqooyi kaga beegan Xarunta hay’adda Shaqaalaha ee sii dhex-marta Guryaha la odha jiray Hindiya Laynka.

Lama garanayo illaa hadda ujeeddada qaraxa, waxa sababay iyo nooca uu ahaa toona. Hase-yeeshee, waxa loo malaynayaa inuu la mid yahay Qaraxii xalay ka dhacay magaalada.

Qaraxyada noocan ah oo xilligii xukuumaddii UDUB ka dhici jiray magaalada Hargeysa, ayaa haba yaraatee la garanayn cid ka dambaysa iyo ujeeddo laga leeyahay, haseyeeshee dadka magaalada qaarkood oo ka dareen celiyey ayaa ku tilmaaamay mid siyaasadeed oo tuhunkeedu dhinacyo badan geli karo.

“Walaahi anigu waxaan u malaynayaa inay tahayn Bambo shaanidii dadka lagu wareerin jiray barigii Daahir Riyaale, waayo qarax dhacaya oo aan cidna wax u geysanayn, filimkaa anigu waan fahmi waayey,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha Hargeysa oo ku jaah-wareersan qaraxyada iyo cidda ka dambaysa.

Isha ku hay Somalilandpost wixii warar ah ka soo kordha.

 

SOMALILNDPOST.NET