DEG-DEG: Madaxweyne Siilaanyo oo Xilalkii ka qaaday Taliyihii iyo Abaanduulihii Ciidamada Qaranka, Masuuliyiin Cusub-na Magacaabay

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa, 09 January, 2012 (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xilkii ka qaaday taliyihii guud ee ciidamada qaranka Md. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) iyo abaandulihii ciidamada qaranka Md. Ibraahin Caydiid Axmed Ibraahin Caydiid Axmed. Taliyaha cusub ee ciidamada qaranka waxa loo magacaabay General Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale), halka abaanduulaha ciidamada qaranka loo magacaabay Cabdilaahi X. Jaamac (Calas).

Labada digreeto ee madaxeynuhu masuuliyiintaas cusub ku magacaabay, kuwii horena xilka kaga qaaday waxa ay u dhignaayeen sidan:

“Taliyaha ciidamada qaranka

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xilkii ka qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka qaranka, kuna magacaabay taliye cusub.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo in la dar-dar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

Markuu Tixgeliyey:  La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu Arkay:       In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

WUXUU GO’AANSADAY;

In General, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xilka qaadis

Madaxweynuhu waxa uu taliyihii hore ee Ciidamada qaranka Mudane, Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif)   uga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen , gudanayeena waa-jibaadka, ka saaran qaranka.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu taliyihii hore u sheegay in Xilalka Qaranka ay tahay macnihiisu meerto soo noq-noqata oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay General, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Madaxweynuhu waxa uu Faray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL.”

Dhanka kale, Digreetada uu madaxweynuhu xilka kaga qaaday Abaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana uu ku magacaabay abaanduulaha cusub ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xilkii ka qaaday Abaandulihii Hore ee Ciidanka Qaranka JSL, kuna magacaabay Abaanduule cusub.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:     In baahi loo qabo in la dar-dar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

Markuu Tixgeliyey:         La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu Arkay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

WUXUU GO’AANSADAY;

In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac (Calas) laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Abaandulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xil ka-qaadis

Madaxweynuhu waxa uu Abaanduulahaa hore ee Ciidamada qaranka Mudane, Ibraahin Caydiid Axmeduga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen , gudanayeena waa-jibaadka qaranka.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Abaanduulaha Ciidanka Qaranka JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac (Calas)oo aan xilkan isaga u igmaday in uu ahaado Abaaduulaha Cusub ee Ciidanka Qaranka.”

SOMALILANDPOST NEWS

Hargeysa, Somaliland