DEG-DEG: Madaxweyne Siilaanyo oo Xil ka qaadis ku sameeyey Wasiir ku-xigeenka Amniga, Badhasaabka Gabiley, Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada iyo Agaasimihii Guud ee Warfaafinta

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-2455/052014 xilalkii ay hayeen uu kaga qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Gudoomiyeyaashii Gobolada Saaxil, Gabiley, Sanaag, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka,

Xilka Qaadista

  1. Mudane, Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  2. Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley
  3. Gaashaanle, Faysal Kaamil Ciise, Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL
  4. Mudane, Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
  5. Mudane, Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

 

Mudanayaal,

Waxa aan aad idinku mahadinaqayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hannan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalkaasi cidaan u soo igmaday.

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.