DEG-DEG: Faahfaahinta Shil Baabuur oo ay goor-dhawayd galeen Fannaaniin ka tirsan Xiddigaha Geeska

Hargeysa (SLpost)- Xubno ka tirsan Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska, ayaa goor-dhawayd gaadhi ay wateel kula dhacay duleedka tuulada Abaarso oo 15KM dhinaca Galbeed ka xigta magaalada Hargeysa.

Xubnahan ka tirsan kooxda Xiddigaha Geeska oo gelinkii dambe ee maanta ka baxay magaalada Hargeysa, kuna sii jeeday magaalada Arabsiyo, isla markaana saarnaa gaadhi noocisu yahay HAMMER oo uu iska leeyahay Musician-ka kooxda Axmed Weli Furinle, ayaa ka koobnaa Todoba xubnood oo isugu jira fannaaniinta iyo Abwaannada ugu caansan kooxdaas.

furinleMa jiro wax war ah oo ka soo baxay Kooxda, haseyeeshee Sida ay shabakadda wararka ee Somalilandpost.net u xaqiijiyeen xubno ka tirsan kooxda, ma jiro khasaare nafeed oo ka dhashay shilkaas marka laga yimaaddo burbur baaxad leh oo soo gaadhay gaadhiga.

Sidoo kale, ma jirto cid dhaawacyo ka soo gaadheen shilkaas.

Ujeeddada socdaalkooda ayaa lagu sheegay mid dalxiis ah oo ay kaga soo noqonayeen magaalada Arabsiyo, iyagoo doonayay inay isla maanta ku soo laabtaan magaalada Hargeysa.