Deg-deg: Dabley Hubaysan oo Ganacsade Caan ah ku Dhaawacay Badhtamaha magaalada Laascaanood

Laascaanood (SLpost)- Dabley hubaysan oo aan haybtooda la Aqoonsan, ayaa goor-dhawayd Badhtamaha magaalada Laasacanood ku dhaawacay Nin Ganacsade ah oo si weyn looga yaqaano magaaladaas.

Ganacadahan oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Timir, ayaa dableyda hubaysani ku dhaawaceen isaga oo ku sugan Dukaan uu ku leeyahay badhtamaha Suuqa magaaladaas, iyaga oo Xabbado kaga dhuftay laabta.

 Wariye magaalada Laascaanood uga Warrama Warbaahinta Maxalliga ah, ayaa shabakadda wararka Somalilandpost u sheegay in Ninka ganacsadaha ah ay toogteen niman baaskoolado ku hubaysan kuwaas oo markii ay falka fuliyeen goobta ka baxsaday.

“Ganasadaha oo ku sugan Dukaan uu ku leeyahay suuqa magaalada, ayaa laba nin oo hubaysan xabbado ku dhufteen, iyagiina way yaaceen. Ninka Ganacsadaha Dhaawaciisana waxa markiiba loola cararay Cusbitaalka magaalada oo waxa hadda la sheegayaa in dhaawaciisu fudud yahay,” ayuu yidhi wariyahani.

Laascaanood_Gaadiid (1)Ciidamada Amaanka magaalada ayaa markiiba bilaabay hawl-gal ay ku raad-joogaan dhegar-qabayaasha falka weerarka ah geystay, haseyeeshee ilaa imika ma jiraan wax war oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo ciidamada ammaanka oo ku saabsan haybta ragga weerarka fuliyey.

Weerarka lagu dhaawacay ninka ganacsadaha ah oo u muuqday mid qorshayn, ayaa daba-socday weerar Xalay lagu qaaday gurigiisa kaas oo lagu dhaawacay gabadh ka tirsan ehelka ganacsadaha oo gurigiisa ku sugneyd.

Lama garan karo Ujeeddada ama halka ay salka ku hayaan labada weerar ee loo geystay ganacsadaha iyo qoyskiisa, haseyeeshee wararka aanu ka helayno magaalada Laascaanood, ayaa tibaxaaya in gabadha xalay weerarka lagu dhaawacay ay ciidamada Ammaanku dhawaan u xidheen falal Argigixiso, haseyeeshee markii dambe la sii daayey.

SOMALILANDPOST.NET