DEG-DEG: Daawo Murashax Cirro oo shaaciyey inay Qaaddaceen Natiijada Doorashada iyo Sababo uu sheegay

Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shaaca ka qaaday in Xisbigiisa Waddani Qaaddacay gebi ahaanba Natiijada Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo 13-kii bishan ka qabsoontay dalka, waxaanu go’aankaas ku sababeeyey kaddib markii sida uu ku dooday uu xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ku shubtay doorashada.

Murashax Cirro oo caawa warbaahinta kula hadlay gurigiisa, waxa uu sheegay inaanay xisbi ahaan aqoonsanayn natiijada Doorashada oo aanay guddiga Doorashadu wali shaacin balse la rumaysan yahay in Xisbiga KULMIYE ku guulaystay. Md Cirro waxa uu sheegay inay Maxkamadda Sare ee dalka u gudbinayaan dacwad la xidhiidha natiijada doorashada.

HADDABA MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA MURASHAX CIRRO

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo maalmihii u dambeeyey ku hawlanaa tirinta codadkii laga dhiibtay 21-ka degmo-doorasho ee dalka, ayay maanta kaga ekayd muddadii ahayd ee loo qabtay in natiijada lagu dhawaaqo, balse waxa dib-u-dhaca sababay kaddib markii xisbiga WADDANI u gudbiyey Guddiga cabasho la xidhiidha Codbixinta laga dhiibtay gobolka Maroodijeex oo xisbigu ku dooday in wax-is-daba marin lagu sameeyey