Deeqa-yar: Hal-abuurnimo hanaqaadday!! – W/Q: Cabdisalaan Axmed Muuse “Cagaf”

DEEQAHal-abuurnimada iyo curinta wax waxtar muuqda amma waxtar maldahan u leh bulshadu waa hibo buuxda, oo dadka in ka mid ah Eebbe uu ku ladhay kuna lammaaneeyay. Hal-abuurnimadu guud ahaan mid faneed ha ahaato, sida suugaanta iyo qaybaheeda amma mid farshaxameed sida qalinka iyo qoraallada lagu abyo, sawir-gacmeedyada iyo ikhtiraaca walax ugaba oo bulshada dhib iyo dheef labadaba u yeelan karta ha ahaato,e’ waa halbeeg laga min-qiyaaso loogana qori goosto odorska horumarka timmaaddada iyo halka ay bulshadaasi ku furi doonto rarayga saaran hayinka hayaanka nolosha. Waxana hal-abuurnimada bulsheed laga saadaaliyaa saamiga ay ummaddaasi ku yeellan doonto qarniyada foodda ku soo haya, bulshooyinka kala duwan ee adduunka kula dhaqan.

Haddaba, hal-abuurnimada kala geddisan ee bulshada ku hadasha afka soomaaligu waa mid muush ah, balse halka aynu saboolka ka nahay waa soo saaris la’aanta iyo kobcin darrada haysata hibada ku duugan laabta iyo lubbiga dhallinyarada soomaalida. Badannaa inta da’yar ay gudahooda ku dhadhay oo ku dhex dhimatay hibo hal-abuurnimo, kadib markii ay wayday biqlin iyo barbaarin bulsheed amma kobcin iyo korriin ummadeed!! Badannaa intay hud-hudayso laabtooda hibo hal-abuurnimo oo ay ku gedfan tahay bay’adda iyo bulshada ay la nool yihiin!! Badannaa inta dhallinyaro hibo hal-abuurnimo dhex huruddaa ooWax toosiya oo tiiriyana u baahani. 

Haddaba, bulshada soomaalidu waa ummad ku caano maashay oo ku caan baxday curinta iyo unkidda suugaanta qaybaheeda kala duwan. Soomaalidu qarniyadii la soo dhaafay guud ahaan waxay u badnaayeen qaar curiya suugaanta. Haddaad buugaagta raad-raaca sooyaalka dib u raacdana waxad garwaaqsanaysaa inay hibada curinta maansada yar iyo wayn, carruur iyo cirroole, wadaad iyo wabiin, wayeel iyo waranle, sheekh iyo shariif ay ku dhiirran jireen hal-abuurideeda. Mid kastana wuxu curin jirey maanso amma maah-maah la gedo ah amma la fil ah heer garaadkiisa bulsheed iyo qaab fikirkiisa nololeed.  Waxayna ahayd suugaantu war isgaarsiinta iyo warbaahinta soomaalida.

Haddaba, haddaan u dego duxda iyo dulucda qoraalkan. Deeqa-yar waa gabadh aad u da’yar oo deggan magaalada hargeysa, waxana Eebbe hibo u siiyay curinta iyo allifidda suugaanta iyo qaybaheeda kala geddisan. Deeqa-yar waa gabadh dulucda erayadeeda iyo da’da ay jirtay aad u kala fac weyn yihiin. Markaad aragto suugaanteedana haddaadan arag amma magaceedu ku qorayn waxad malaysanaysaa inay curiyeen Abwaanada waaweyn ee soomalidu. Deeqa-yar waa gabadh hal-abuuridda iyo curinta maansooyinkeeda kala soo dhex baxda dhudhub shareeran iyo dhadhaab shiilan, iyadoon hal-abuur shaxaadina geenyo shaaximan {maansooyin qiimo leh} bulshada u soo bandhigta. Iyadoo arrintaa caddaynaysa dhanka kalena tibaaxaysa siday maansada milgaheeda iyo maamuuuskeeda u dhowrto, laaxin iyo deelqaafna uga dhawdo, birmagaydada maansadana aanay cad-quudheed ugu doorsan, balse ay bulshada fikir xor ah oo xalaala u soo bandhigto waxa ka mid ah maansadeedii Shaanshaan oo ay ararteeda ku bilowday sidan:

Sha’daydiyo maansadayda                Anoo sheegsheegideeda

Shaxdeeda anoon ilduufin                  ka doorbiday sheellideeda

Anoon shaxankeeda dhaafin             waxaan shiin ugu bilaabay

Anoon shardigeeda laalin                   waxaan tixda kuugu sheegay

Anoon shaqalkeeda beenin                waxaan shalow kaaga dayray

Anoon xarafkeeda shuudin                 waxaan warka kuugu shiilay

Anoon hal-abuur shaxaadin               waxaan shamac kuugu daaray

Anoon shilimaan ku iibsan                  inaan ahay duul sharoobay

Hal-abuur Deeqi sidaynu ka dheehanayno maansadan sare waxay ka curisay xarafka sha {sh} oo ah xarfaha ugu culus ee ugu kakan soomaaliga oo Abwaano tira yari ay ka gabyeen. Inta badana Abwaanka xarafkan adag ka allifa suugaantu waa mid dhoollatus u muujinaya Abwaanada faciisa ah dhanka kalena soo bandhigaya  awooddiisa hal-abuurnimo.

Haddaba, dumarka soomaaliyeed siduu sooyaalku xuso waxay ku caan baxeen intooda badan curinta iyo allifidda Buraanburka oo la yidhaahdo waa {Boqoradda maansada}, marka laga reebo in yar oo fara ku tiris ah oo iyagu allifa qaybaha maansada, sida Gabay, Geeraar, Jiifto, Masafo, Saar iyo qaybaha kale ee suugaanta. Haddaba, Deeqa-yar wuxu Eebbe hibo u siiyay inay maansada ka curin karto bad kasta oo ka mid ah godadka suugaanta laga allifo. Hal-abuur Deeqa-yar ka sakow hibada curineed ee Alle siiyay wuxu Eebbe ku iidaamay amma ugu ladhay garaad iyo garasho dheer oo ay ku hilaadiso kuna odorosto gol-jilicda bulshadeeda, si ay toosh weyn ugu ifiso una tilmaanto goldaloolada ummada iyo halkay bulshadu dhaliilo ka leedahay ee looga soo dhici karo. Tan danbe hal-abuurkuu Eebbe ku galladana waxa caado ah inuu hal-abuurada la filka ah iyo kuwa ka faca weynba uu durduro ku dhaafo oo aan la haybsan.

Sida caadada ah hal-abuurku waa mid ku sugan hadba xaaladda bulshadiisu ku jirto.  Hadday bulshadu bugto waa mid la buka, hadday faraxsan tahay waa mid la farxa oo la qaybsada dareenka farxadeed oo waliba suugaan ku muujiya. Hadbana hal-abuurku waa mid farta ku fiiqa boog muuqata amma ka dahsoon bulshada. Haddaba, Deeqi iyadoo tibaax tixaysan ku muujinaysa heerka soomalidu maanta ku sugan tahay iyo xaaladday marayso, dhanka kalena ka damqanaysa xaaladdaa xun ee ummadeedu ku jirto, aynu soo qaadano meerisyo ka mid ah gabay la yidhaa Mahuraan, waxayna tidhi:

Soomaali malaheedu waa mooshin, iyo doodde

Marag malaha way murantay baa, lagu macneeyaaye

Waxay marin habowsheen xilkay ugu, mudnaayeene

Mansab bay u wada roorayaan mana, macaashaane

Mugdi bay ku wada yaacayaan daw, maroora lehe

Mabaashiga sidiisii ayay daaqa, madhiyaane

Macaluul waxay ugu dhinteen, marinadoodiiye

Murdis kale waxay ugu qancaan, sida miskiineede

Malqaacadi waxay ula mid tahay, sida malaayiine

Muftaaxiina way kala lumeen mooyi, lagu dhaafye

Muslinimo waxay uga tageen maalta, iyo dhoofe

Jasiiradaha maaloodigay magansadeen, caydhe

Waxay midigta hoos joojiyeen gaalka, madaxiiye.

Haddaba, hal-abuur Deeqa Nuux Yoonis waxay dhawaan ka qayb gashay Tartan suugaaneed lagaga haydlayay {Aafada Tahriibta} oo lagu qabtay magaalada hargaysa. Tartankan oo ay soo qabanqaabiyeen ayna qabteen Bahda Hal-abuurka iyo qoraalka ee {Hal-qor} ayaa waxa ka soo qayb galay 23 {saddex iyo labaatan} hal-abuur oo ka kala socday dhammaan Goboladasomaliland. Tartankan saddex iyo laabtanka Abwaan ay ku baratamayeen suugaanta  waxa dumar ahaa laba kaliya, halka 21 ka kalena rag ka  ahaayeen.  Haddaba, habeenkii xafladda xidhitaanka tartanka ayaa waxa ka soo qayb galay madax kale duwan iyo Abwaano waaweyn oo dhulka soomaalida degto guud ahaan caanka ah. garsoorayaasha soo kala saaray 23 ka hal-abuur ee tartamayay waxay ahaayeen saddex Abwaan oo kala ah, Axmed Saleebaan Bidde, Saxardiid Maxamed “Jabiye” iyo Cali Caateeye. Abwaan Cali Caateeye oo wakiil ka ahaa labada Abwaan ee kale, oo natiijadii iyo sida loo kala guulaystayna halkaa ka sheegay ayaa tilmaamay in maansooyinka oo kaliya loo soo gudbiyay  iyaga balse laga reebay magacaanta cidda curisay maansada, si ay caddaalad ugu salaysnaato kala saarista tartamayaashu. Waxa kaluu sheegay in wareegii koobaad ay ku hadheen 15 maanso. Halka wareegii labaadna ka soo gudbeen shan maanso oo kala galay kaalmaha 1,2,3,4, iyo 5 shanaad. Abwaan  Cali wuxu halkaa ka akhriyay shanta maanso ee guulaystay magacaantooda iyo siday u kala horreeyaan balse wuxu sheegay in iyagu ka guddi ahaan aanay garanayn cidda curisay. Waxana halkaa kaalinta koowaad ka gashay maanso ay kaga qayb gashay tartanka hal-abuur Deeqa Nuux Yoonis. Maansadan oo magaceedu ahaa “BADHEEDH” markii lagu dhawaaqay ayaa martidii madasha fadhiday mar qudha ay farxad iyo yaab isku dareen sacabka, waxay la yaabeen gabadha da’daa leh ee kaalinta koobaad ka gashay tartan ay baratamayeen hal-abuuro waaweyn oo dhammaan iyada suugaanta uga horreeyay. Haddana  waxay ku farxeen inay gabadh da’daa ahi kaalinta koobaad gashay. Axmed Saleebaan Bidde oo ahaa guddida garsoorka ayaa markuu arkay Deeqa-yar yidhi tani waaba “Badheedha” isagoo magacii maansadeeda ugu wanqalay magac uu isagu u bixiyay. Deeqa-yar waxay halkaa ka akhriday maansadii Badheedh ee ay kaalinta koobaad ku qaaday. Waxana halkaa abaal marinta ku siiyay Wasiirka Maxatooyada Somaliland mudane. Xirsi Xaaji Xasan Cali, wasiirku wuxu iyada iyo labada hal-abuur ee kaalinta labaad oo uu galay saaxiibkayga igu dheer Xasan Cabdinaasir “Dalmar” iyo kaalinta saddexaad oo uu galay saaxibkay aad iigu qaaliya Yaasiin Muxumed Faarax “Maddaale” lagu marti qaaday aqalka madaxtooyada Somaliland. Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” ayaa halkaa isna shahaadooyin ku guddoonsiiyay hal-abuuradan da’da yar isagoo dhiirrigalinaya guud ahaan Bahda hal-abuurka.

 Iyaduna waxa xusid gaara mudan in saddexdan hal-abuur ee kaalmaha hore galay ay ka tirsanyihiin Xarunta Kaydka,hiddaha, dhaqanka, akhriska iyo qoraalka ee Maxamed Mooge, oo ay guddoomiye u tahay  haldoor Hoodo Ayaan Suldaan Aadan Faarax. Haddaba markaad la kulanto da’yar sidan hal-abuurnimadoodu u sarrayso ayaa waxa kuu muuqanaya ifafaale horumar iyo in jiilka soo kacayaa ay wax badan ka beddeli doonaan hannaanka nolosha soomaalida. Dalka iyo dadkana horumar gaadhsiin doonaan. Guntii dhiirrigalintu waa shidaalka qofka wax ummada ku soo kordhiya. Waxanan hanbalyo ballaadhan u dirayaa Bahda soo qabanqaabisay ee “Hal-qor” iyo hal-abuurada kaalmaha hore ka galay tartanka, koobaad Deeqa Nuux Yoonis, labaad Xasan Cabdinaasir “Dalmar” iyo saddexaad Yaasiin Muxumed Faarax “Maddaale”  iyo waliba Xarunta ay ka tirsanyihiin hal-abuuradani ee Maxamed Mooge. Waxanan leeyahay dedaalka halkaa ka wada, Deeqa-yarna waxan leeyahay Hal-abuurnimo Hanaqaadday ayaad leedahay ee halkaa kaga hay hawsha.Akhriste waxan ka cudur daaranayaa inaanan maansadii Badheedh ee kaalinta koobaad gashay ee hal-abuur Deeqa-yar curisay halkan kuugu  soo gudbin. Balse waxan ballan qaadayaa inaan iyada oo gorfayn wadata aan kuu soo gudbin doono baraha warbaahinta haddii Rabbi idmo.

W/q. Cabdisalaan Axmed Muuse “Cagaf”                                            23/12/1023

Email. Cagaf143@hotmail.com

Facebook.  Cagaf Axmed.

Hargeysa. Somaliland                                               ALLAA MAHAD LEH.