Deegaanka Lughaya Oo Ayax Ba,anni Ku Habsadey iyo Masuuliyiinta Deegaanka Baaq U Diray Xukuumadda

Lughaya(SLPOST) Sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Lughaya Cabdilaahi Cali Aw Nuur oo saxaafadda la Ayaxan oo raxan raxan u wada socda, ayaa dhul daaqsimeed baaxadle ku degay isla-markaana xaalufiyey dhul daaqsimeedkii xooluhu u foofayeen ama daaqayeen, hadlayey.

ayaxa (1)

Gudoomiye ku xigeenka degmada lughaya iyo qaar ka mid ah xildhibanada golaha deegaanka ee lughaya oo iyaguna ka hadlay ayaxan ku habsaday dhul beereedka degmada lughaya ayaa waxa ay baaq uu direen xukumada Somaliland iyo hayada ku shuqul leh in ay soo gaadhaan dhul daaqsimeedka uu ayaxu ku dagay oo baaxad weyn leh isla markaana dhibaato ku haya xoolaha deegaankaas ku nool.

Si kastaba ahaate hadii ayaxan laga cidhibtiri waayo dhul daaqsimeedka degmada lughaya ee uu ku fadhiistay ayaa waxa uu noqon doona mid dhibaato iyo xaaluf ba’an u gaysta guud ahaanba dhul beereedka iyo dhul-daaqsineedkaba ee degmada lughaya.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland