DA’YE YAA DUWI? W/Q. XUSEEN-MAHDI XASAN XUSEEN

Duruufta iyo dhibku waa duruus dadka soo marta, taas oo ah mid baraysa sidii dhiggeeda looga gaashaaman lahaa.

Baahidu waa mid mar walba jirta, bal se waa mid halgan loogu jiro sidii looga bixi lahaa. Haddii waayuhu wax kuu kordhin waayo, waa astaan muujinaysa in nolasha aad ka dhacsan tahay ama aad ka saaqidday.

Akhriste, waxa aad ogtahay in abaar baahsan oo muddo dheer la arag ku habsatay Soomaalilaand, gaar ahaan goballada galbeedka, waxa ay ahayd oo wali ay tahay mid xanuun badan oo qoys kasta damaqday.

Waxa ay ahayd abaar dad iyo duunyo daciifsay oo waliba noole badan nolasha dhaafisay, afka ayeynu gacanta galinay innaga oo
qayla doon diranaynna, dhabannada ayeynu gacanta saarnay innaga oo caalwaa innaga muuqdo, kuwo aynnu is haynay ayeynu martinay. Waxaas oo dhan maxaa keensaday? Is wayddii haddii aad dareentay dhibkii iyo saxariirkii dhacay.

Hore ayaa loo yidhi aabbihii ummadda (Aadan)”CSW”, haddii uunkan dib ugu soo noqon lahaa, uu odhan lahaa “kuwan aan wali dhulka wax ku soo kordhin maxay ahaayeen?” Waxa uu is wayddiin lahaa waxa dhulkii uu ogaa sida labada naas ee buurta Hargeysa bari ka saarani isku beddalin.

Waa xaqiiq mudane, haba sii fogaan fadlan, ee is wayddii dhibicdaa maanta da’day halka ay ku shubmayso, mar kale garashada godal oo is wayddii 4 billood ka dib waxa la sii dhigtay.

Biyaha oo la xidho iyada oo la samaysanayo biyo xidheenno iyo dhaamam, waxa ay kafaynaysaa wax soo saar ballaadhan oo kaajo lagaga gaashaanto iyo haqabbeel biyo, xitaa waxa ku noolaanaya dhulka maanta dhintay. Yey se tahay in ay qabato? Meel madax ka sarraysa oo la salaaxaa ma jirto, sidaa awgeed kuwa xilka loo igmaday ee hoggaanka haya waa xil saaran, waxa kale iyana mihim ah in bulshadu isku tashato oo iyadu wax wada qabsato.

Kharashaad aan loo baahnayn ayaa la gala, meelo aan baahiyi ka jirin ayaa lagu bixiyaa, muran iyo laaluush ayaa xoolo dhan lagu lumiyaa, xitaa ka soo qaad kharashaadka ku baxa xilliyada abaaraha ayaa wax badan qaban lahaa, hore ballan qaadyo badan ayaa jiray se aan la garanayn meel ay ku baaqdeen iyo waxa baajiyey.

caqligu waa in uu shaqeeyaa waa haddii dalkan iyo dadkan in wax loo qabto loogu talo-galay

Inta siyaasi, wadaad iyo warranle wada duryamayaan ayey dantii ummaddani lumaysaa. Waa ayaan darro inteeda leeg in xaalkeenu noqdo maalin aynnu oomannahay iyo maalin aynnu qoyannahay.

Ummad qorshe lahayn waa ummad nolal rabin.