DAYAC: (Gabay) – W/T Abwaan Axmed Cabdilaahi (Fartaag)

Gabaygan waxaan tiriyay mar aan arkay waxa soo socda. Wixii maalintaa taagnaa aan gabayga tiriyay
Maantay ka darantay, haday muuqataa

Abwaan-Axmed-Cabdilaahi-Maxamud-Axmed-FartaagDagaalkii qadhaadhaa wixii danabyo loo aasay
Dalka oo xoroobiyo wixii loo durbaan tumayay
Danabkii Cabdiraxmaan markuu Dawladnimo qaatay
Dadkii kala fogaadiyo markuu daris walaaleeyay

Cigaal Dawladuu soo dhisay ee damalka loo waabay
Distoorkiyo wanaaguu ka tagay dabadii loo aayay
Dariiqii Asxaabtee la furay doorashiyo foodka
Dimuqraadinimadii wax badan Dunidu faalaysay

Doorkii Riyaaliyo la dhaaf doogii soo baxaye
Maxaa Dawladeenii wacnayd darafyadii goostay
Difaacii hareeraa maxaa dabarka loo saaray
Mise daacad baan jirin runtii lama dabooleene

Dury ankii Qabiilkaa batay oo dudoo shiraye
UDUBTII La Dayrshaa hadana loo dalbanayaaye
Daakhili Wasiirkii ka tagay hadii duurba loo dhiibay
Dakadiina Cali baa qabsaday dalaqii waynaaye
Malaa Daahir baa dhiman ragii dayrka laga saaray

Dawladii cusbayd iyo duul kan wada seexday
Dayacaada Odaygaa nabaday doorkan maanta ahe

Dalku wuu midaysnaan jiray daaf ilaa daafe
Doorkii Riyaalaba ma jirin Gobolo diidaaye
Xilka wuxuu ka daadagay doorashiyo guul
Waakii dardaarmee lahaa dunida gaadhsiiye
Dalka oo midaan kaaga tagay duul walaalo,ahe
Adaa iga danbeeyee wataa dawladii qabo,e

Maxaa Nabada dayrkuu ku xidhay dumiyay seeskeeda
Dacalada galbeed iyo Taleex maxaa reerihii didiyay
Maxaa darafyadeenii ka dhigay Dawladaha goostay

Dadkii kuu codeeyiyo Shacbigu wuu damqanayaaye
Kulmiyaa la doortee muxuu darajo soo hooyay
Dublomaasigaa wayn markii talada loo daayay
Axmedkii la doortiyo ninkii duubka l oo saaray
Ayaa Ururo daadkaa ka badan doobiyaay yidhiye
Yacaada Odaygaa na baday doorkan maanta ahe

Duuroow waxaasoo socdaad daawanayseene
Dabo la qabto male haday dibada gaadhaaye
Dayrkii Xadkeeniyo Wasiir daaradii Guriga
Maxaa Dawlad gaariyo ka dhigay darisyo kaa leexday

Dawladeenii Soomaalind iyo dantii guudba
Citiraafka kii doon la yidhi ee dunida meeraayay
Wuxuu dadayay maantay runtii dibada taalaaye
Dayacaada Odaygaa nabaday doorka maanta ahe
Allow wadajir baan kaa dalbaday daacad samirtaaye
Raboow daalin naga qabo wuxuu cadowgu doonaayo

 

Abwaan Axmed C/laahi Maxamud (Axmed Fartaag)

Gabaygii Dayac 13 jan 2012