“Dawldadda Ingiriiska Wax Loo Gudbiyay oo Dacwad ahi Ma Jirto, Waxa La isku Sawiray Uun Dad Ingiriis ah oo Meel Taagan”

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadlay war ay faafisay shabakada Wikileaks oo ku saabsan heshiis la sheegay inuu sannadkii 2012-kii dhex maray dawladda Somaliland iyo Somaaliya , kaas oo la xidhiidhay nidaamka Federaalka, waxaanu uu sheegay in shacabigu goostay qaadiyadooda iyo madaxbanaanidooda.

Maxamed Biixi Yoonis oo shalay magaaladda Hargeysa ugu waramay Telefishanka Horn Cable TV waxa kale oo uu beeniyay warar sheegay in dacwad ka dhan ah Xukuumadda loo gudbiyay dawladda Ingiriiska, waxaanu tilmaamay in arrintaasi ay tahay mid aan xaqiiq ahayn.

“Waxa Allaale iyo wax ka jiraa ma jirto, waa been cad oo xaqiiqada aad uga fog, shacbiga reer Somaliland wey ogsoon yihiin in qaadiyada Federaalku aanay Somaliland shaqo ku lahayn, Somaliland kamay qayb-gelin arrimihii ka socday Garoowe iyo Rod Map-ka, shacriyada Somaliland u taalla iyo Dastuurkeeduna ma ogola Federaal oo Somaliland gaar bay isku taagtay, waxaan doonayaa inaan ku sheego iska daa Federaaloo  shirkii labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexeeyay waxaanu joojinay markii ay Soomaaliya ku soo dartay Niman reer Somaliland ah, halkaasay Somaliland ka taagan tahay qaadiyadeeda.

Somalilandna maaha dad lagu tilmaami karo inay khiyaamo wadaan, dadkani waa dad soo halgamay oo noloshoodii bay u soo horeen waxa ay maanta haystaan, waxaanan u haystaa inay fadeexda tahay, ceeb tahay oo qaran dumis ay tahay in maanta dadka reer Somaliland iyo masuuliyiintooda lagu tilmaamo inay khiyaamo qaran sameeyeen , waxaanan ku tallin lahaa dadka masuuliyiinta ah waxaan jirin oo aanay cidina saxeexin, lana gelin karin, walaa Baarlamaan, walaa dawlad inay dadka ugu sheekeeyaan, markaa waxay igu muuqataa qofka masuulka ah ee Ummadda wax ka doonaya waxyaabaha qaarkood ee Ummadda duminaya,”  Ayuu yidhi Md. Maxamed Bbiixi Yoonis.

Wasiirka arrimaha dibaddu waxa uu sheegay in dawlada Ingiriiska aan loo gudbin wax dacwad ah oo ka dhan ah Xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi  “Dawlada Ingiriiska wax loo gudbiyay ma jirto, waxaan la soo qorayna wax ka jiraa ma jirto oo waxaan la xidhiidhay Safiirkayagii Ingiriiska joogay, maxaad arrinkaa war ka haysaa baan idhi?, dadkaasi waa dadka isku soo sawiray Nin Ingiriis ah oo meel taagan oo meel kale ka shaqeeya oo been  fidiyay. Dawlada Ingiriiska waanu la xidhiidhnay  saaka (shalay) halkanay igu imanayaan oo waanu u yeedhnay wax Allaale iyo wax ka jiraa ma jirto, waa iska been abuurkaa habeen iyo maalin la doonayo in lagu cambaareeyo dadka iyo dalka, masuuliyiinta Ummaddana meel kasta cay loo mariyo, markaa anigu waxaan ku tallin lahaa ceebteenna aynu dibadaha u soo saarayno ee aynu caalamka u sheegayno burbur ay dalkan gaadhisiiso mooyee, waxa faa’iido ah oo ay keenaysaa ma jirto.”

Sidoo kale Wasiirku  waxa uu sheegay in Xukuumadd ahaan ay heshiis balaadhan ay la saxeexdeen dawladda Itoobiya, waxaanu yidhi  “Waxaad la socotaa in aanu heshiiskii ugu balaadhnaa la saxeexanay dawladda Itoobiya oo ah mashruuca jidka Berbera illaa Wajaale, waxaanu la saxeexanay Biyaha, Laydhka, Tareenka oo waxyaabaha aanu ka wada hadlaynay  ee maalintii dhaweyd Madaxweynuhu tagay ee Raysal-wasaaraha Itoobiya ka wada hadlaynay , arrimaha ugu waaweyn waxa ka mid ahaa nabadgelyadda, dhaqaalaha iyo arrimahaa aanu wada saxeexanay sidii loo horumarin lahaa.”