Dawladeenu waa in ay si shaqsaa wax uga qabataa dooxa wayn ee Dacar-budhuq oo nafo badan galaaftay

RakadIlaa maalintaan caqliga yeeshay waxan maqlayay dooxii dacar budhuq  ayaa dad qaaday oo qaarna la la,yahay , markasta waan  maqlaa dooxaas oo dad qaaday ama dad mari kari la yihiin sidaa awgeed maxaynu ka daawanaynaa dooxa oo aynu wax uga qaban kari la,nahay maynaan waxba gacan teena ku qabsan Karin mise markasta waxa la sugayaa un cid aynaan aynaan garanayn inaynu wax ka sugno oo wax inoo qabtaan.

Dooxa ayaa sababay in habeenkii xalay ahaa uu qaaday suldaamo iyo madax kale.  imikana la soo sheegay in maydkiisii la helay suldaan  aad loo jeclaa oo magaciisa la idhaa suldaan bare warsame shire . inaalulaahi wa inaali raajucuun. Anigoo markkasta tacsi tiiraanyo leh u diraya dhamaan qoyskiisii iyo  cidii uu baxay iyo bulshada Somaliland ee uu suldaanka u ahaa inuu ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo dhamaan bulshada Somaliland .

Intaa ka dib waxaan  iyo markastaba ku baaqayaa waa in si dhaqsaa wax looga qabtaa dooxaas dadkeenii ku maqan yihiin oo dhan. Inkasta oo wax walba qoraal yihiin hadana waxaan dawlada ugu baaqayaa in si dhakhsaa dooxaas wax looga qabtaa markasta dadka looga digaa inaanay ku dad- dagin marniinkiisa.

Runtu waxay tahay maaha in waxkasta aynu ka sugno wadamo shisheeyo inagu Somaliland ahaan waxkasta waa aynu qabsan karnaa sidaa awgeed waa in si deg dega aynu iskaga nimaad naa arinkaas oo aynu ka yeelanaa shir wayne balaadhan oo ku saabsan sidii dooxaas dacar buruq oo aynu shirinaa dhamaan aqoon yahankeena, ganacsatadeena iyo cid kasta oo gacan ka gaysan karta sidii wadadaaa way nee dooxu maro loo hagaajin lahaa.

Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa xaglo laaban xoolo kuma yimaadaane. Inta aynu daawanayno maydadka dadka ku dhinta dooxaas waxa ka wanaagsan in aynu ka hor tagno oo aynu iska kaashano.

N.B

Ilaahay ha inaga dhigo kuwo aan cidna waxba ka sugin oo isku filan waxna wada qabsada.

Waxkastoo la wada qabto guul baa laga gaadhaa .

Waxkastoo ku dhibaba waa laga hortagaa ee aynu ka hortagno dooxa way nee dacarbudhuq.

Farhan Mohamed Hassan sultan nur (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com

TELL: 252263–4400319