“Dawladdan waqtigeedii wuu dhamaaday waxa loo baahan yahay in dawlad midnimo qaran ah la dhiso” Guddoomiyaha UCID

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta kazoo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ka dib socdaal uu ugu maqnaa dalka Jarmalka, halkaasoo uu kaga qayb galay shir caalami ah oo lagaga hadlayay ammaanka.

Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, waxaanu ku baaqay in la tixgeliyo heshiiskii ay gaadheen axsaabtu ee lagu soo afjaray khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii ay guurtidu u samaysay xukuumadda iyo wakiillada.

“Waxaynu ognahay in saddexda xisbi ay gaadheen heshiis, kaasoo loo baahan yahay in tixgeliyo. Madaxweyne ku-xigeenkuna wuu nala saxeexay, taas macnaheedu xukuumadduna way ku jirtaa weeye, haddaanay kala socon madaxweynaha iyo ku-xigeenku, may ahayn in heshiiskaas ilaa maanta lala sugo, waayo doorashadii way laalan tahay waxay ahayd in la dhaqaajiyo oo talaabadaa ay gaadheen saddexda xisbi la qaado, annagu guurtida waanu ixtiraamaynaa, hase ahaatee waxaanu aragnaa sababaha ay u kordhinaysay inaanay meesha oolin.” ayuu guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Waxa loo baahan yahay sannad iyo lixdaa bilood in hawlo badan la qabto oo ay ka mid tahay in dawlad la sameeyo, dawladdana waqtigeedu wuxuu dhamaanayaa 26-ka June. Madaxweynuhu wuxuu yidhi dalku sharci buu leeyahay, maaha sharciga wixii isaga taabanaya inuu ka talaabsado, wixii kale uu arko. Dastuurku wuxuu leeyahay shan sanno ayaa madaxweynaha la dhaariyay, shantii sannana way dhamaadeen, wixii hadda ka dambeeya waxa loo baahan yahay in dawlad midnimo qaran ah la dhiso.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa kale oo uu ku taliyay in Somaliland ay joojiso wada-hadallada ay la leedahay dawladda Soomaaliya.

Somalilandpost.net