Dawladda Zambia Oo Ogolaaday In Basaborka Somaliland Lagu Galo Dalkooda 

 

Lusaka(Slpost)-Dalka Zambia ayaa ka mid noqday wadamada Afrikaanka ah ee si buuxda u aqoonsaday Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu wadankaasi toddobaadkan shaaciyay in lagu tagi karo dalkaas Basaboorka Somaliland.

basaboor

Barta Internetka ee waaxda socdaalka dalkaas ayaa markaad cadayso inaad sidato Basaborka Somaliland waxa laguugu sheegayaa in qofka haysta Baasaboorka Somaliland ee doonaya inuu u safro dalka Zambia aanu u baahnayn VISA (Dal-ku-gal), wuxuu joogi karaa Visa la’aan dalka Zambia muddo dhan 30 maalmood haddii uu yahay ganacsade, 90 maalin ayuu joogi karaa haddii booqashadiisa tahay Dalxiis.

Haddii aad doorato Baasaboorka Somaliland ee “Ordinary Passport” waxaa kuu soo baxaayo “You are exempted from VISA” oo micnaheeda yahay inaan lagaaga baahneyn Dal-ku-gal.

Arrintan ayaa waxa ka soo shaqeeyay jaaliyadda Somaliland ee dalkaas degen, waxaanu wadankani ku biiri doonaa wadamada hore u aqoonsaday Basaborka Somaliland.

Geeska