Dawladda Turkiga oo Masuuliyadda Weerarkii lala Beegsaday Safaaraddooda Muqdisho Dusha u Saartay Quwado loolan kula jira Siyaasaddooda Gobolka

Ankara (SLpost)- Guddoomiyaha baarlamaanka waddanka Turkiga Cemil Çiçek, ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday safaaraddooda magaalada Muqdisho ee Somaliya, waxaanu masuuliyadda weerarkaas dusha ka saaray Quwado aanu magacaabin oo uu sheegay inay ka xun yihiin hawlaha bani’aadamnimo ee dalkiisu ka wado waddanka colaaduhu halakeeyeen ee Soomaaliya.

Guddoomiye Çiçek waxa uu sidaas sheegay mar uu shalay Cusbitaal ku yaala xarunta dalkaasi Turkiga ee Ankara ku booqday dhaawacyadii ku waxyeelloobay weerar is-miidaamin ah oo lagu qaaday safaaradooda Muqdisho, kuwaas oo ay ku jireen shaqaale dalkaas u dhashay iyo qaar Soomaali ah.

“Waan fahansannahay inaan qolo kale lugaha kaga joogsanay, sababtoo ah Turkigu waxay saamayn muuqata ku sii yeelanayaan gobolkaas maalinba maalinta ka sii dambaysa. Turkigu waxay isku dayayaan inay kor u soo qoodaan heerka nololeed ee dadka, annagoo isticmaalayna mashaariicda bini’aadannimo iyo siyaabo kaleba,” ayuu yidhi Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Turkiga oo muujiyay inay tuhun sanyihiin awoodo kale oo tartan iyaga kula jira.

TURKIGAGuddoomiyaha baarlamaanka Turkiga oo u warramay warbaahinta dalkaas, waxa uu carrabka ku dhuftay in kooxda Alshabaab ee masuuliyadda weerarkan sheegatay la isticmaalay oo ay jiraan quwado ka dambeeya. “Turkigu waxay sameeyeen wixii looga baahnaa waddan saaxiib la ah Soomaaliya, waxaanan ognahay inay jiraan quwado aan ku faraxsanayn xarumaha iyo dedaallada aan ka wadno gobolka. Nasiib-darrase waxay noo soo isticmaaleen ururada argagixisada markale si ay u hor-istaagaan mashaariicda uu Turkigu ka furay Afrika” ayuu sii raaciyay gudoomiyaha baarlamaanka ee dalka Turkiga.

Hadalka Gudoomiyaha baarlamaanka Turkiga ayaa muujinaya inay dawlada Turkigu ay tuhunsatahay quwado tartan kula jira hawl-galladooda dalkaasi Soomaaliya, kuwaas oo sida hadalkiisa ka muuqata uu sheegay inay ka dambeeyeen weerarkii todobaadkan lagu qaaday safaaradooda Muqdisho, halkaas oo lagaga dilay hal askari, saddex kalana lagaga dhaawacay.

Somalilandpost.info/Hargeysa