Dawladda Turkiga Oo Laga Dareemayo Inay Muujinayso Inay Dhex Ka Tahay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

Hargeysa(SLpost)-Dawladda Turkiga ayaa laga dareemayaa inay isu dhigayso inay dhexdhexaad ka tahay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, tan iyo markii ay bishii november siyaasiyiinta Somaliland ku eedeeyeen dawladaas inaanay dhex ahayn ee ay dhinaca saarayso dalka Somaliya.

Dawladda Turkiga oo wada hadalada labada wadan u magacowday ergey gaar ah oo lagu magacaabo danjire Axmet Riza Demirer, ayaa markii hore waxa uu xilkiisu ahaa inuu qaabilsanyahay wada hadalada Somaliya, laakiin hadda waxa ay hay’adaha dawladda ee Turkigu ugu yeedhaan ergeyga gaarka ah ee Somaliland iyo Somaliya. Tusaale ahaan ergaygan ayaa wuxuu 23 December 2015 la kulmay madaxa u sareeya hay’adda TIKA ee Turkiga u qaabilsan mucaawinooyinka, waxaanay hay’adda TIKA ee qaranka Turkigu xilkiisa ku sheegtay inuu yahay ‘Ergayga gaarka ah ee Somaliland iyo Somaliya’, waxaanay dadka arrimahan falanqeeyaa aaminsanyihiin in dawladda Turkigu doonayso inay kalsooni u muujiso Somaliland oo dhawr goor ay siyaasiyiinteeda iyo aqoonyahankeedu sas ka muujiyeen dhexdhexaadnimada dalka Turkiga.

Ergaygan Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa markii u horaysay bishii November wuxuu safar ku maray magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho oo uu kulamo kula yeeshay madaxweynayaasha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo uu kala hadlay doorka cusub ee uu Turkigu doonayo inuu ka ciyaaro wada hadalada.

 Xigasho Geeska Afrika