Dawladda Turkiga Oo Go’aansatay Inay Dib U Bilowdo Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya

Hargeysa(Slpost)-Dawladda Turkiga ayaa go’aansatay inay dib u bilowdo wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya oo muddo istaagay.

www

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, dawladda Turkigu waxa ay bilowday inay u kala dabqaado labada dawladood si ay isugu soo dhawayso aragtiyaha kala fog ee ay kala istaageen, markii ay wada hadaladii istaageen, taas oo ka dhalatay shirkii u dambeeyay ee ay dawladda Somaliya wada hadalka ku soo dartay dad asal ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ka tirsan dawladda Somaliya.

Dawladda Turkiga, ayaa dad aanay magacaabin oo ay ku sheegtay diblomaasiyiin ka kala socda Somaliland iyo Somaliya si da’d ban isugu gaysay xarunta hay’adooda caalamiga ah ee TIKA ku leedahay magaalada Istanbul. “Wufuud diblomasiyadeed oo ka kala socda Somaliland iyo Somaliya ayaa booqday TIKA” hadalkaas kooban waxa lagu baahiyay barta ay hay’adda TIKa ku leedahay twitterka, lamana faahfaahin kuwa ay yihiin diblomaasiyiinta labada dal.

Waxase ay u muuqataa in socdaalkaasi ka mid yahay dedaalada uu Turkigu doonayo inuu isu soo dhaweeyo aragtiyaha kala durugsan ee Somaliland iyo Somaliya.

Geesta kale, wufuud ka kala socota labada dawladood ee Somalialnd iyo Somaliya, ayaa la filayaa inay booqasho ku tagaan dalka Turkiga, socdaalkaas oo isna qayb ka ah dedaalada Turkiga.

Weftigii bishii hore yimid dalka Somaliland ee ka socda Turkiga, ayaa kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo waxay ku sheegeen inay doonayaan inay dib u bilaabaan wada hadaladii Somalialnd iyo Somaliya, islamarkaana ay doorkan qaataan door ka firfircoon doorarkii ay ka qaadan jireen wada hadaladii hore.

Xigasho geeska