Dawladda Sucuudiga oo Qorshaynaysa inay Qabriga Nebi Muxamad (NNKHA) u Rarto goob Qarsoodi ah!

Riyaadh (SLpost)- Dawladda Sucuudiga, ayaa ku hawlan Qorshe goobta uu ku yaalo looga rarayo Qabriga Nebi Muxamed (NNKHA) iyada oo hadhaaga Jidkiisa laga saarayo goobta uu aasan yahay ee magaalada Madina isla markaana lagu aasi doono goob aan la magacaabin.

Tallaabada dawladda Sucuudigu qorsheysay inay Qabriga Nebi Muxamed kaga rarayso goobta uu ku yaallo oo aan la garanayn sababta dhabta ah ee ku kallifaysa, ayaa haddii boqortooyada Sucuudigu kaga dhabayso hirgelintisa waxa ay noqonaysaa mid kala-qaybsanaan iyo tafaafuq ka dhex-dhalin karta midnimada shacabka Islaamka.

qabriga nebigaWarka ku saabsan qorshaha dawladda Sucuudiga oo lagu qoray jariiradda The Independent ee ka soo baxda dalka Ingiriiska, ayaa qayb ka ah wada-tashi iyo macluumaad lagu ururiyey warbixin ka kooban 61 bog, taas oo loo qaybiyey isla markaana ay doodayaan Culimada waaweyn ee gacanta ku haysa Masjidka Nebi Muxamed (NNKHA) ee magaalada Madina, halkaas oo Qabriga Nebigu ku yaallo. Masjika Nebiga ayaa ah meesha labaad ee ugu barakada badan Dunida Muslimka iyada oo ay sannad walba booqdaan malaayiin Muslimiinta Adduunka ee gudashada Waajibaadka Xajka iyo cumrada u taga magaalada Masaajidka Xaramka ee ku yaala magaalada barakaysan ee Maka.

Qorshaha dawladda Sucuudigu ku go’aamisay arrintan oo markii la maqlay dunida Islaamka ka cadhaysiisay, waxa fashiliyey mid ka mid ah culimada dalka Sucuudiga oo ka soo horjeestay in la burburiyo dhismayaal ku yaala agagaarka Qabriga Nebiga, halkaas oo ay ku aasan yihiin qaar ka mid ah asxaabtii iyo Ehliyaddii Nebi Muxamed (NNKHA).

Dokumentiga la sheegay in lagu diyaariyey qorshaha tallaabadan lagu qaadayo oo ka kooban 61 bog, waxa kale oo ku xusan in xabaasha Nebi Muxumed loo raro Qubuuro la yidhaahdo al-Baqi oo ku dhow goobta uu Masaajidku yaallo, haseyeeshee marka laga yimaaddo warbixintan ma jiro go’aan lagu gaadhay in la fuliyo qorshan.

Dawladda Sucuudiga ayaan iyadu ka hadal isla markaana aan xaqiijiyin warka iyo ilo-wareedyada ay soo xigatay jariiradda The Independent.

Somalilandpost.net