Dawladda Soomaaliya Oo Heshiis La Saxeexatay Qarramada Midoobay

Somalia(SLPOST)Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waxaa hortiisa lagu saxeexay heshiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

wasiirka aarinka

Heshiiska ayaa waxaa kala saxeexday Wasiirka Arrimaha Dibedda C/Raxman Ducaale Beyle iyo Ergeyga Gaarka ah ee QM Nicolas Kay.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda ayaa yidhi “Waxaan u mahadceinayaa guddigii ka kala socday QM iyo Dowladda oo in muddo ahba ka soo shaqeynayey heshiiskan oo ah mid sii xoojinaya xidhiidhka Somalia iyo QM. Dowladdu waa ka go’antahay dhaqangelinta heshiiskan labada dhinac waa saldhiga wadashqeynta iyo gar-gaarka shacabka Soomaaliyeed.”

“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Somalia inay hubiyaan in heshiiyadooda aaney dhacsaneyn, isla markaana cusbooneysiiyaan haddii uu ka dhacay. Heshiisyadu waa muhiim oo ah sharciyada muhiimka u ah wada shaqeynta iyo illaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed.”

 

wasiirka arrimaha dibada somalia

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa sheegay in garyaqaanada labada dhinac ay si taxadar ah uga soo wada shaqeeyeen heshiiskan oo ah mid labada dhinacba ay ku wada qanacsanyihiin, isla markaana qeexaya waajibaadka iyo xuquuqaha labada dhinac.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland