Dawladda Somaliya oo shaacisay in dhammaadka Sannadkan lagu wareejinayo maamulka hawada Sare oo Somaliland Shuruud uga dhigtay sii socoshada wada-hadallada

Muqdisho (SLpost)- Wasiirka Warfaafinta, boostada, isgaadhsiinta iyo gaadiidka ee Somaliya Cabdilaahi Ciil-mooge Xirsi, ayaa sheegay inay Dawladda Federaalka ee Somaliya dhammaadka sannadkan la wareegi doonto maamulka hawada sare ee dalweynihii laysku odhan jiray Somaliya.

Mr Ciil-mooge oo shalay warbaahinta ugu warray madaarka magaalada Muqdisho ka dib marki uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa magaalada Montreal  ee dalka Canada uu uga qeyb galay shir looga hadlayay Duulista hawada oo sedaxdii sanaba mar la qabto, ayaa ka warramay qorshayaal ku aadan sidii dowladda Soomaliya loogu soo wareejin lahaa maamulka shirkadda qaabilsan xagga hawada ee fadhigeedu yahay magaalada Nairoobi ee gacanta ku haysa maamulka hawada Somaliya.

ciilmooge“Waxaan ka qeyb galay shir saddexdii sano mar la qabto oo looga hadlo arrimaha la xidhiidha duulista iyo hawada oo Soomaaliya Muhiimad gaar ah u leh.  Waxaan la 1-da Jeenawari ee sanka Cusub  la wereegi doonaa Xafiiska hawada Soomaaliya oo loo soo wareejin doono magalaada Muqdisho,” ayuu yidhi Mr Ciil-mooge.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa ku soo beegmaya xilli muran xagga maamulka hawada Sare ee dalweynihi laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia uu dhexeeyo Somalland, iyada oo is-marin-waaga arrintan laysku af-gartay isla markaana uu ka mid ahaa ajandaha Wada-hadalladii u dambeeyey ee labada dhinac ku dhexmaray dalka Turkigu kaas oo dhigayay in magaalada Hargeysa laga dhigo xarunta laga maamulo maamulka hawada sare ee Soomaalida, isla markaana la magacaabo guddi labada dal ka kala tirsan oo loo xilsaaro maamulidda sare, isla markaana si siman loo wadaago dhaqaalaha ka soo xeroodo lacagta laga qaado diyaaradaha ku socdaala hawada Sare ee Somaliland iyo Somalia.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo dhawaan Wargeyska Ogaal wax ka weydiiyey socdaalka uu Wasiirka Warfaafinta kaga soo laabtay dalka Kanada iyo haddii maamulka hawada sare ee Somalida lagu wareejiyo Muqdisho, ayaa sheegay inay Somaliland ka baxayso wada-hadallada u dhexeeya Somalia haddii maamulka Muqdisho Jabiyo heshiishka lagu gaadhay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Si kastaba ha ahaate arrintan ayaa Caqabad hor leh ku noqon doonta sii ambo qaadista wada-hadalada labada dal ee Turkigu dhexdhexaadinayo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net