“Dawladda Somaliland baan kala hadalnay in arrintaas (TALEEX) la dejiyo..Waxaan aaminsanahay dawladda Soomaaliya inay ku guulaysatay arrintaas” – Madaxweynaha Somalia

Muqdisho (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inuu wadahadal la sameeyey dawladda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, isla markaana uu kala hadlay inay kala joojiyaan Ciidamada, ka dib markii ay Millateriga Somaliland dhowaan kor-meer ku tageen magaalada Taleex ee gobolka Sool.

Xasan Sh MaxamuudMadaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Madaxweynaha dawladda Somaliland iyo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland uu kala hadlay dejinta xaaladda degmada Taleex oo u dhow xuduudka Somaliland la wadaagto Somaliya, halkaas oo maamul-goboleed Puntland ku hanjabay inay keenayaan ciidamo ka dib markii Ciidamada Somaliland laba todobaad ka hor dib uga soo baxeen.

Madaxweynaha Somaliya oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxa uu yidhi isaga oo arrimahan ka hadlayey, “Taleex waxoogaa waxaa ka dhacay dareen colaadeed, Ciidamada Somaliland ayaa yimi Taleex, Puntland-na waxay u diyaarisay Ciidamo ka hortaga. Dawladda Soomaaliya waxay ka qaadatay door sidii xaaladdaas loo dejin lahaa,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wataa waxa uu libin ka sheegtay xaaladda la dejiyey ee degmada Taleex ka dib markii ciidanka Somaliland ka soo baxay, “Dawladda Puntland baan la hadalnay, dawladda Somaliland baan la hadalnay in arrintaas la dejiyo ayaan kala hadalnay. Waxaan aaminsanahay dawladda Soomaaliya inay ku guulaysatay arrintaas oo xaaladdaas la dejiyey,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan oo hadalkiisu u muuqdo mid ka tarjumaya inuu isagu dhex-dhexaadin ka dhex sameeyey labada dhinac.

Dawladda Ethiopia, ayaa maamulka Puntland iyo Dawladda Somaliland uga yeedhay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay ku wada-hadashiisay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas iyo Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Gudaha Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Cali Maxamed Waran-cadde, si loo dejiyo xaalad Colaadeed oo ka dilaacda degmada Taleex.

SOMALILANDPOST.NET