Dawladda Siilaanyo Mid Jilicsan Iga Dheh.

Dawladda Somaliland haddii ay ahaan lahayd Naag aan qabo , Saddexdii Dalaaqood ayaan furi lahaa , caruurtana waan kala hadhi lahaa, odaygii dhalay iyo guriggii hooyaddeed

Dawladda Somaliland haddii ay ahaan lahayd Naag aan qabo , Saddexdii Dalaaqood ayaan furi lahaa , caruurtana waan kala hadhi lahaa, odaygii dhalay iyo guriggii hooyaddeed ayaan ku celin lahaa. Haddii aan QOOQO oo Minyaro guurkeedu igalana u dhawaanmaayo Inantan yar ee suuqa soo gashay ee Waddani, iyadu waa Baqal Dooxooyinkaa iska mirata, Ciyaalka ayaa Fuulfuula.

Sannadkan 2016, Dawladdii Somaliland waa Suuxsan tahay, Sariirta meydka ayaa lajiifiyay ilaa 2017. Dadkii qof waliba wuxuu doono ayuu samaynayaa, sharciggii dalka gacanta ayaa lagu qaatay, dawlad iyo shacab lama kala soocna, waa laysku milmay. Bal eeg:

  1. Wasiirkii isaga ayaa isu wasiir ah. Tusaale: Xaglatoosiye .
  2. Siyaasiggii cidda uu doono ayuu caayayaa: Tusaale: Cali-Guray
  3. Suldaankii oo noqday Jirri . Tusaale: Suldaan Sabayste.
  4. Reerkii oo la hubeeyay. Tusaale: Ceel-Gerde
  5. Dhulkii dawladda oo beelihii isku haystaan. Tusaale: Theatre Hargeysa
  6. Sheikhii oo Masaajidkii Naar ka soo Afuufaaya. Tusaale: Sheikh Adan-Siira
  7. Dumarkii oo Qabiil Foolanaaya. Tusaale: Naagta UCID ee Berbera
  8. Saxaafaddii oo $100 lagu iibsanaayo. Tusaale: Burco HCTV
  9. Xusbiggii oo Qoys yeeshay. Tusaale: Waddani
  10. Madaxweynihii oo Afkii Xidhay. Tusaale Siilaanyo

Dawladda Siilaanyo horumarka ay dalka gaadhsiisay 6 years wuxuu la mid yahay adiga oo dhulka ka tegey oo dayaxa tegey. Lakiin waa dawlad jilicsan, waa meyd soconaya, dawladda iyo shicibka kala garanmaysid WHO’s WEARING THE TROUSERS IN THE HOUSE?

Ahmed Jama Hure