Dawladda Qadar oo iska difaacday eedaynta uga timid dalalka Khaliijka

France(SLPOST) Dawlada Qadar ayaa jawaab ka bixisay eedayntii uga timid wadamada Sucuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn.

khalid-al-attiyah

Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Qadar Khalid bin Mohamed Al Attiyah oo safar ku jooga magaalada Paris ee dalka France, ayaa saxaafadda u sheegay in dalkiisa u madax banaanyahay Siyaasadooda ku aadan caalamka.

Wasiirka Qadar ayaa ku tilmaamay eedaynta dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn kuwo aan la xariirin wax farogelin ah oo wadanka Qadar geystay, balse ay salka ku heyso kala aragti duwanaasho ku aadan dhanka siyaasada calaamiga ah.

Wuxuu Wasiirka sheegay in dowlada Qadar ay ka xuntahay in dalalkaasi safiiradii kala baxeen magaalada Doxa, balse wuxuu sheegay in siyaasada wadanka Qadar aysan marnaba wax gor gortan ah geli karin.

“Siyaasadeena waa mid fur furan oo aan cidna takooreyn..” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qadar Khalif Al Attiyah oo sheegay inaysan cid si gaar ah u faquuqi doonin, hadalkaasi oo la filayo inuu ka wado ururka Ikhawaanul Muslimiin oo la sheegay inuu taageero ka helay dowlada Qadar.

Murranka u dhaxeeya Sucuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa sii xoogeystay wakhtigii dowladii Maxamed Morsi ee Masar xukunka laga tuuray, Sucuudiga yo Imaaraadka ayaa dhaqaale badan ugu deeqay Militariga Masar ee afgambiga sameeyey

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland