Dawladda Norway oo Somaliland kala shaqaynaysa Ka faa’idaysiga Kheyraadka Dabiiciga ah, Wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada

Hargeysa (SLpost)-  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland  Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee dawladda Norway u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Jens Mjaugeal.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kulanka uu la yeeshay ergayga ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade.

DSC_0017Kulanka ka dib, waxa nuxurka waxyaabaha lagaga hadlay si wada-jir ah uga hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Ergayga Mr Jens Mjaugeal oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada, waxaanay labadoodu ka dhawaajiyeen arrimo ka faa’idaysiga Kheryaadka dabiiciga ahi ka mid yahay iyo horumarinta dhinaca adeegyada bulshada oo dawladda Norway taageero ka geysanayso ay ka mid ahaayeen waxyaabaha laga wada-hadlay.

DSC_0034Wasiirka Arrimaha dibadda oo faahfaahiyey, qodobbada ay labada dhinac ka wada-hadleen, waxa uu yidhi, “Norway waxay Khibrad badan u leedahay Arimaha Shidaalka iyo Khayraadka Dabiiciga ah oo ay nagala shaqaynayso sidii ay inoogu dhisi lahayd Awoodda aqooneed ee dhinaca Kaluunka iyo Horumarada kale.waxay wax nagala qabanayaan Wada hadalka naga dhexeeya Somalia sidii uu hore ugu socon lahaa, waxay nagala shaqaynayaan dhinaca Budhcad badeeda, waxaanu doonaynaa inaanu Cilaaqaad buuxa la yeelano Norway.”

EDSC_0041Erygayga gaarka ah ee Dawladda Norway Mr. Jens Mjaugeal oo socdaalkiisani noqonayo markii labaad ee uu yimaaddo Somaliland, markii u dambaysay ee uu yimidna ahayd sannadkii 2007-dii, ayaa dhankiisa iftiimiyey waxyaabaha laga wada-hadlay,  waxaanu sheegay inuu u yimid Somaliland sidii ay u falanqayn lahaayeen dhinacyada ay wax kala qaban karaan. Waxa uu sheegay in Somaliland tahay dal Faqiir ah balse ay jiraan Fursado badan oo horumar oo u baahan in laga faa’iidaysto, haddii aan la helin Hanaan siyaasadeed oo lagu maamulana aanay fursadahaasi suuro galayn in laga faa’iidaysto.

Waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay qayb laxaad leh uga qaadan lahaayeen wada-hadalka u dhexyeeya Somaliland iyo Somalia iyo kala shaqaynta dhinacyada degenaanshaha iyo siyaasadda ee labada waddan.

SOMALILANDPOST.NET