Dawladda Kenya Oo Xeryaha Qaxootiga Faray In Diinta Kiristaanka Lagu Baahiyo

Hargeysa(SLPOST) Amar Dawladda Kenya dhawaan ku soo rogtay dadka qoxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma, hasa-yeeshee ka shaqeysta Magaalooyinka dalkaasi, ayaa sababay inay Diinta Islaamka ka baxaan, sheegaana inay Kiristaan noqdeen.

kkDadkan Diinta Islaamka ka baxay oo iyaga oo Muslim ah dawladda Kenya u soo jeedisay inay Xeryaha Qoxootiga dib ugu noqdaan, ayaa si ay u sii joogaan Magaalooyinka dalkaasi ku dhawaaqay inay ka baxeen Diinta Islaamka, taasi oo ay doonayaan inay kagag jawaabaan amarka dawladda ee ah inay Magaalooyinka ka baxaan dadka qoxootiga ah ee Islaamka ah.

Dadka Diinta Islaamka ka baxay, ayaa waxa ku jira Soomaalida reer Koonfureedka ah ee dawladdu Kenya u soo jeedisay inay ku laabtaan xerada Dhadhaab, kuwaasi oo hadda ka cabsanaya inay si caadi ah ugu laabtaan Xeryaha ay dadkoodu ku jiraan, waxaana Soomaalida sheegtay inay diinta Kiristaanka qaateen fuuley culays kaga imanaya dhanka Soomaalida kale.

Amarka dadka Islaamka ah ee qoxootiga ka dhanka ah, ayaa soo baxay ka dib markii qaraxyo yaryar oo isdaba joog ahi ay ka dhaceen Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, gaar ahaan xaafadda Islii ee ay ku dhaqan yihiin Soomaalida ugu badan, kuwaasi oo ah kuwo uu saamaynta xun ku yeeshay amarkaasi.