Dawladda Kanada Oo Culays Lagu Saarayo Inay Somaliland Ka Sii Dayso Laba Gabdhood Oo Ku Xidhan Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Kanada ayaa cadaadis lagu saarayaa inay dawladda Somaliland ka soo dayso laba hablood oo asal ahaan u dhashay Somaliland balse ku dhashay dalka Kanada oo dhawaan lagu xidhay magaalada Hargeysa.

 

Maymuna Cabdi oo 28 jir ah iyo Karima Watts oo iyaduna ah 23 jir ayaa bishii January ee sannadkan lagu xidhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ka dib markii lagu soo eedeeyay inay isticmaaleen maandooriye, waxaanay maxkamada Hargeysa ku xukuntay 40 jeedal in lagu dhufto gabadhiiba iyo weliba xabsi.

habalah reer canada

Hooyada dhashay mid ka mid ah gabdhahan Fahima Xasan ayaa warbaahinta Kanada u sheegtay in aanay ku qanacsanayn xukunka gabdhaha lagu riday, iyadoo gabdhaha ku tilmaantay kuwo bilaa dambi ah, waxaanay dawladda Kanada ka codsatay inay dawladda Somaliland kala xaajooto sidii loo soo dayn lahaa hablahan oo ay sheegtay inay ku xidhanyihiin qaybta hwaeenka ee saldhiga Koodbuur ee magaalada Hargeysa.

 

Hooyo Fahima waxay wargeyska Global and Mail u sheegtay in labada hablood oo ku dhashay magaalada Ottawa ee dalka Kanada ay ilaa yaraantoodii ahaayeen saaxiibo, waxaanay sheegtay in qoyskooda ka mid ahayd Ms. Karima ka dib markii ay iyadoo yar hooyadeed dhimatay.

 

Qareenka difaacayay haweenkan Mubarik Maxamed ayaa wargeyskan Kanada ka soo baxa u sheegay, inkastoo hablaha lagu eedeeyay inay maandooriye isticmaaleen haddana inaan wax mukhaadaraad ah laga soo helin gurigii laga soo xidhay.

 

Warbaahinta Kanada oo si aad ah wax uga qortay xadhiga hablahan ayaa sheegay inaanay ku guulaysan xidhiidho ay la sameeyeen dawladda Somaliland, waxaanay sheegeen in safaaradda Kanada ee Kenya ay dawladda Somaliland kala xidhiidhay kiiskan labadan hablood.

 

Baraha twitterka ayaa laga sameeyay calaamad u gaar ah hablahan oo lagu dalbanayo in Somaliland culays lagu saaro sidii hablahaas xabsiga looga soo dayn lahaa.

 

XIGASHO: Geeska Afrika