Dawladda Jabuuti Oo Beenisay Warbixin Eedaysay Ammaanka Madaarkeeda

“Waxaas waxba kama jiraan, waxaan xaqiijinayaa in laysku haleyn karo ammaanka garoonka Jabuuti”kq

Jabuuti, (SLpost)- Dawladda jamhuuriyada Jabuuti ayaa beenisay ayaa beenisay warbixin laga baahiyay, taasoo ku eedaysay hawl-wadeennada madaarka dalkaas shaqo xumo halis-gelisay diyaaradaha Mareykanka ee isticmaala garoonkaas.

Warbixinta oo lagu daabacay jariirada Washington post ee kazoo baxda dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay diyaaradaha milateriga ee Mareykanka ee isticmaala  saldhiga ay ku leeyihiin dalka Jabuuti, taasoo lagu sababeeyay feejignaan la’aan ay sameeyaan shaqaalaha hagista diyaaradaha ee garoonkaasi.

Jariirada Washingtonpost ayaa soo xiganaysa qoraalo ay milaterigu qoreen iyo khubaro dhinaca duulista hawada ah, waxaanay sheegtay in shaqaalaha saldhiga milateri ee ay isticmaalaan diyaaradaha Mareykanku ay iska dhega-tireen hagista dhinaca diyaaradaha, isla markaana ay ku mashquulaan ciyaaraha laga daawado telefishanada ee madadaalada ah, telefoono, hurdo iyo qaarkood oo qayila.

Safaarada Jabuuti ku leedahay dalka Mareykanka ayaa gaashaanka ku dhufatay eedayntaas ay ka qortay jariirada Washington Post

Qunsulka safaaradaas Ciise Daahir Buraale ayaa ku doodday in garoonku uu yahay amni, waxaanu xusay haddii shaqaalaha madaarkaasi ay hurdaan ama ay qaad cunaan in maalin walba shil dhici lahaa.  “Waxaas waxba kama jiraan, waxaan xaqiijinayaa in laysku haleyn karo ammaanka garoonka Jabuuti oo xataa ka nadboon madaaradda waddamada kale ee Carbeed,”  ayuu yidhi Qunsulku.

Somalilandpost.net