Dawladda Itoobiya oo Somaliland Wax ka weydiisay Kulankii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ee ku dhexmaray Jabuuti

ADDIS ABABA (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda ee dawladda Federaalka Itoobiya Berhane Gebre-Chiristos, ayaa shalay kulan kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxaanay ka wada-hadleen arrimo dhowr ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya, waxa ay labada wasiir ka wada-hadleen sidii loo sii xoojin lahaa ay labada waddan isaga kaashan lahaayeen ammaanka Xuduudka iyo arrimaha la xidhiidha.

1aadWaxa kale oo war-saxaafadeedka lagu shegay inay labada wasiir ka-wada-hadleen kulankii dhowaan magaalada Jabuuti ku dhex-maray Madaxweyneyaasha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, haseyeeshee war-saxaafadeedka laguma sheegin mowqifka dawladda Itoobiya ka taagan tahay wada-hadallada labada waddan u dhexeeya iyo kulanka labada madaxweyne ku dhexmaray dalka Jabuuti.

Waxa uu warku intaas ku ku daray in sidoo kale kulankaas lagu faaqiday shirka guddiga farsamo ee xoojinta cilaaqaadka ganacsiga iyo Ammaanka ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo wejigiisa labaad hore loogu qorsheeyey inuu ka dhaco magaalada Addis Ababa, iyada oo guddiga farsamo ee labada waddan hore loogu shaaciyey safar ay magaalada Hargeysa dabayaaqadii sannadkii hore ku yimaaddeen wasiirro ka socday Xukuumadda Federaalka ee Itoobiya.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN HALKAN KA AKHRISO