Dawladda Itoobiya oo ka hadashay Isku-dhac Dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyo-beeleed ka soo duushay Gudaha dalkeeda

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Itoobiya, ayaa sheegtay inaanay marnaba oggolaan doonin in gudaha dalkeeda ay ka hawl-galaan Malleeshiyaad ka soo horjeeda Somaliland, waxaanay sheegtay inay baadhayaan weerar dabley hubaysani gudaha dalkeeda kaga soo qaadeen Ciidamada Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay magaalada Quljeed ee gobolka Awdal.

itoobiyaCiidanka Qaranka Somaliland iyo Dablay taabacsan Suldaan Wabar oo ka tirsan madax-dhaqameedka Awdal, balse ku dhawaaqay inuu ka soo horjeedo Midnimada Somaliland, ayaa iska hor imaad ku dhexmaray Degmada Quljeed ee Gobolka Awdal oo Masaafo aan fogeyn u jirta Xuduudka u dhexeeya labada waddan, waxaanu isku-dhacaasi sababay khasaare soo kala gaadhay labada dhinac iyo shacabka magaalada, iyaga oo kooxda Dableyda ay markii dambe firdhadkii kaga tallaabeen Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Hargeysa Gn. Berhe Tesfaye oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey mowqifka ay dawlad ahaan ka qabaan Malleeshiyaadka gudaha dalkeeda gabboodka ka dhiganaya ee kaga soo duullaya Somaliland, ayaa sheegay inaanu waxba kala socon dhacdadaas isla markaana aanay xukuumadda Somaliland kala soo xidhiidhin, balse ay dawladdiisu baadhitaan iyo hubin ku samaynayso maleeshiyaadkaas iyo sida ay uga hawl-galaan gudaha Itoobiya.

Mr Tesfaye oo la weydiiyey waxa ay kala socdaan dhacdadan, waxa uu ku jawaabay, “Maan maqlin, wax xidhiidh ahna xukuumada Somaliland nagala soo yeelatay weli ma jirto.

Mar la weydiiyey talaabada xukuumada Itoobiya ee ku aadan maleeshiyaadka hawlgalada ka soo qaadaya gudaha xuduudka Itoobiya, waxuu ku jawaabay, “Ugu horeyn waa inaan hubinaa isla markaana baadhitaan ku samaynaa waxa ay yihiin dadka weerarka soo qaaday, inay yihiin dad taageersan Suldaanka ama cid kale. Falal nabadgelyo-daro ka abuuraya xuduudka aan wadaagno Somaliland cidnaba kama aqbalayno inay samayso, gacan bir ah ayaan ku qaban doonaa,” ayuu yidhi Jeneraal Tesfaye.

Inta la ogyahay Hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka, ayaa ka dhaawacmay dagaalka, halka Haweenay rayid ahina ku dhaawacantay Rasaasta la iswaydaarsaday. Kooxda weerartay Ciidanka ayaa iyagana laga dhaawacay hal qof, halka hal qof oo kale ay ciidamadu ka qabteen, ka hor intii aanay ciidamadu baaxsan kooxda Dableyda ah oo ka tallaabay Xuduudka Itoobiya.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka oo ka gaabsaday magaciisa in la xuso, ayaa Himilo u xaqiijiyey inay gacanta kaga hal qof, qofka Rayidka ee dhaawacmay iyo Askariga Ciidanka ka tirsanaana loo soo gudbiyey dhinaca Cusbitaalka magaalada Boorama, halkaasoo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo.