Dawladda Itoobiya oo Diyaarado u Soo diraysa Somaliland

Addis Ababa (SLpost)- Xukuumada Itoobiya ayaa shaacisay inay u soo dirayso Somaliland diyaaradaha loo adeegsado la-dagaalanka Ayaxa oo si baahsan ugu fiday deegaamo ka tirsan xeebaha Bariga iyo galbeedka dalka.

Xukuumadda Somaliland ayaa baaq qaylo-dhaan ah u dirtay dalka Itoobiya oo ay saldhig ku leeyihiin hay’ad qaabilsan ka-hortagga aafooyinka ay deegaan u geystaan cayayaannada uu Ayaxu ka mid yahay, iyada oo todobaadkii hore ay magaalada Hargeysa soo gaadheen khubaro u dhalatay dalalka Itoobiya, Masar iyo Talyaaniga.

MUUQAALSida lagu baahiyey wasaarada Arrimaha Dibedda Itoobiya, talaabadan ayaa lagu sheegay inay ka dambaysay codsi Wasiirka Beeraha Somaliand u jeediyey.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in diyaarado buufin doona Ayax lagu sheegay deegaamada ay ka mid yihiin Laasqoray, Saylac, Balli-dhiig, kuwaas oo la filayo inay ka yimaadaan magaalada Diri-dhaba ee Itoobiya.

Talaabda Itoobiya ayaa noqon doonta jawaabta qeylo-dhaan xukuumada Somaliland u jeedisay caalamka inay ka caawiyaan ka hortagga Aafo dabiici ah oo ka dhalata Ayax ku hansaday deegaamo badan oo dalka ah.

SOMALILANDPOST.NET