Dawladda Ingiriiska oo soo saartay Digniin ku socota Rakaabka Diyaaradaha u safraya dalkooda

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Ingiriiska, ayaa gebi ahaan rakaabka diyaaraha ka dhoofaya iyo kuwa caga-dhiganaya garoomadooda uga digay inay bakhtiyaan telefoonnada gacan iyo qalabka kale ee korontada ku shaqeeya.

Wasiirka Gaadiidka Britian, Patrick McLoughlin  ayaa shaaca ka qaaday inaan rakaabka diyaaradaha loo ogolaan doonin inay diyaaradaha la raacaan telefoonno aan shaqeynayn, sababo dhinaca amaanka awgeed, isla markaana si xooggan looga hubin doono duulimaadyada isaga dhex-goosha dalkaas iyo waddamada Bariga Dhexe iyo Afrika, sida lagu ogaaday warar hoose oo sirdoonka Maraykunku kaga digay weeraro argigixiso oo la qorshaynayo.

UK earoplaneNidaam baadhitaan cusub oo lagu soo rogay rakaabka diyaaraha soo gelaya ama ka baxaya dalka Ingiriiska ayey ku jiraan inay dadku caddeyaan in mobilada, komputerada iyo qalabkooda korontadu ku shaqeeyaa ay dhammaantood shidnaadaan ka hor intaan loo ogolaan inay la raacaan diyaaradaha.

Wasiirka gaadiidka Ingiriiska ayaa sheegay in hubinta mobilada iyo qalabka kale ee electronic ku gaar yihiin rakaabka u kala gooshaya Ingiriiska iyo Maraykanka, loona adeegsan doono rakaabka dariiqyo aan la shaacin uga soo socdaala Ingiriiska.

“Xaqiiqdii hubintu waxay saamayn doontaa duulimaadyada ka yimaada ama u socda Barriga Dhexe iyo qeybo ka mid ah Bariga Afrika oo goobo dalxiis loo tago ku yaalaan,” ayuu sheegay McLoughlin.