Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Indhaha Ku Hayso Diiwaangelinta, Kana Hadashay Khubaro Kormeer Ku Samaynaysa Qaabka Loo Maamulayo Iyo Tirada Isdiiwaangelisay

London(SLpost)-Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay indhaha ku hayso diiwaangelinta cod bixiyayaasha ee Somaliland ka bilaabantay, waxaanay damaanad qaaday inay bixinayso kharashka ku baxaya kormeer madaxbanaan oo lagu hubinayo in diiwaangelnita loo maamulayo hab wax ku ool ah.

Wasiirul dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika Mr. James Duddridge, ayaa sheegay in Ingiriiska iyo Denmark ay yihiin labada wadan ee taageeray diiwaangelinta cod bixiyayaasha Somaliland. Wasiirka ayaa ka jawaabayay su’aal uu xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriisku, weydiiyay oo nuxurkeedu ahaa qiimaynta uu ilaa hadda Ingiriisku ku sameeyay nidaamka diiwaangelilnta iyo talaabooyinka uu Ingiriisku ku caawin karo nidaamka diiwaangelinta cod bixiyayaasha Somaliland.

Wasiir James Duddridge, oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa yidhi “Ingiriiska oo kaashanaya Denmarka iyo Midowga Yurub ayaa bixinaya kharashka lagu taageerayo nidaamka diiwaangelinta ee loo adeegsanayo qalabka indhaha sawiraya, sidoo kale waxa ay bixinayaan khubarada looga baahan yahay in ay qorsheeyaan oo diyaariyaan nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Somaliland. Ingiriisku waxa uu bixiyey 2.18 (2 Milyan iyo 180 kun) oo lacagta Ingiriiska ah, (Waxa ay u dhigantaa 3.11 Milyan oo doolar). Hawshu waxa ay bilaabatay 16kii Jeenaweri, sidii loo qorsheeyey ayaana ay u socotaa. In ka badan 100’000 (Boqol Kun) oo qof ayaa illaa hadda is diiwaangeliyey. Dowladda Ingiriisku waxa ay bixinaysaa kharashka kormeerka madaxa bannaan ee lagu hubinayo in hawsha loo maamulayo si wax-ku-ool ah, oo nabdoon, dadkuna wada heli karaan diiwaangelinta.”

Xigasho Geeska Afrika