Dawladda Ingiriiska oo Muwaadiniinteeda uga Digtay inay u Safraan Muqdisho ee Somaliya

London (SLpost)- Dawladda Ingiriiska ayaa digniin cusub oo ay soo saartay uga digtay muwaadiniinteeda inay booqdaan dalkaasi Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay sheegtay inay ka dhici karaan falal aragagaxiso oo lala beegsado bartilmaameedyo aanay xusin.

Digniinta oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in kooxaha Argagixisada ah ee ka hawl-gala gudaha Soomaaliya, laga yaabo inay weerarro ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

GBWaxa warbixintan lagu shaaciyey in qorshayaasha weerarrada argagixiso ee lala beegsanayo bartilmaameedyo ku yaala Muqdisho, ay heer gebo-gabo ah marayaan, waxaanay muwaadiniinteeda ku amartay inaanay u safrin magaalad Muqdisho.

“Waxaan ku tali-naynaa inaan loo safrin Soomaaliya. Tani waxa ay caddeyn u tahay in weli ay ka jiraan gudaha Soomaaliya falal argagaxiso, waxaana jirta inuu heer gabo-gabo ah marayo qorsha weerar ee la doonayo in Muqdisho laga fuliyo,” sidaa waxa sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda Khaarajiga Ingiriiska, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Nabadgalyada dadka u dhashay Britain ayaa ah mid aad muhiin inoogu ah, xafiiskuna uu aad uga ka walaacsan yahay.”

Xafiiska Barwaaqo-Sooranka Britain oo hoos taga wasaaradda Arrimaha debedda ee dalkaas isla markaana sarkaalkani ka tirsan yahay, ayaa sheegay in xaaladda nabadgalyo ee Muqdisho ay aad u soo koradhay tan iyo markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho dhammaadkii 2011, balse ay weli jiraan fallaka argagaxiso ee ay Al-Shabaab ka fulin karto gudaha magaaladaas.

Bishii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen in ka badan 10-qof oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, kaas oo lagu weeraray taliyaha hay’adda nabadsugidda gobolka Banaadir ee dalkaasi Soomaaliya.

DIGNIINTA UK

Somalilandpost.net