Dawladda Ingiriiska oo Maanta Shaacisay inay ka noqotay Digniintii Dhinaca Socdaalka ee Somaliland

London (SLpost)- Xukuumada Ingiriiska ayaa shaacisay inay muwaadiniintoodu tegi karaan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera maadama nabadgelyo ka jirto, waxaanay sidaa ku shaacisay digniin socdaal maanta wasaarada Arrimaha Dibedda Ingiriisku soo saartay.

Bristol City CouncilSida lagu sheegay qoraalka xafiiska Arrimaha Dibedda waxa lagu sheegay inay ka digayaan tegitaanka guud ahaan waxii la odhan jiray Soomaaliya, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, waxaanu u dhignaa digniinta ay soo saareen, “Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka waxuu ka digayaa socdaal guud ahaan Soomaaliya, oo Somalland ku jirto, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Dhamaan muwaadiniinta Ingiriiska ee jooga Soomaaliya waa inay ka baxaan. Sidoo kale muwaadiniinta aan shaqo muhiim ah hayn waa inay ka baxaan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Isbedelka digniinaha socdaalka ee Ingiriisku ku fasaxay tegitaanka magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa ka dambeeyey socdaal shalay wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska Mark Simmonds ku yimi Somaliland oo ku sheegay kulan ay yeesheen Madaxweyne Siilanyo iyo xubno wasiirada ka mid ah ka dib, inay isbedel ku samayn doonaan digniinaha socdaal ay ka bixiyaan Hargeysa iyo Berbera, maadama nabadgelyadoodu wanaagsan tahay.

SOMALILANDPOST.NET

London/UK