Dawladda Ingiriiska Oo Ka Walaacsan Go’aanka Madaxweyne Siilaanyo Ku Kala Qaaday Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Baarlamaanka

Hargeysa (Sooltoday) Dawladda Britain ayaa sheegtay in beesha caalamku walaac ka qabaan go’aankii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku kala qaaday in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo hore loo qoondeeyay inay mar wada qabsoomaan horraanta sannadka dambe.

silanyo

Sida lagu sheegay war murtiyeed  maanta ka soo baxay Xafiiska dawladda Britain ku leedahay Hargeysa, waxa lagu tilmaamay in go’aankaasi uu wiiqi karo kalsoonidii lagu qabay dimuqraadiyadda Somaliland. Hase ahaatee, madaxtooyada Somaliland ayaa hore go’aankaa ugu tilmaantay mid ka turjumaya danaha dalka.

 

 

Halkan hoosena ka dheeho.

w2

 

Sooltoday/News