Dawladda Ingiriiska oo ka jawaabtay Dhawaaqa Wiil Dhalasho ahaan Dalkaas ka soo jeeda oo ku nool magaalada Hargeysa

News photo1Dartmouth (SLpost) – Wargays todobaadle ah oo ka soo baxa magaalada Dartmouth ee dalka Ingiriiska ayaa jimcihii hore  boggiisa hore iyo bartiisa internet-kaba ku soo qoray maqaal  uu kaga hadlay  Nimcaan Brian Bowden  oo ah wiil ay iska dhaleen  aabbe Ingiriis ah iyo hooyo Somaliland ka soo jeedaa oo  ku nool Hargeysa.

Wiilkan oo sida  Wargayskaas iyo saxaafadda kale ee Somalilandba waxka qoreen ayuu aabbihii  Brian Bowden yimi Somaliland 1958, kana soo shaqeeyay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxana ugu dambayntii lagu dilay Muqdisho 1991-kii isagoo markaas ka shaqaynayay  Safaaraddii Ingiriiska ee Muqdisho kaasoo lagu tilmaamay inuu ahaa qofki kali ahaa ee Ingiriiska kaga hadhsanaa Somaliya markii uu dagaalku ka qarxay Muqdisho iyo Dawladdi Siyaad Barre-na dhacday.

Hadaba Nimcaan Brian Bowden oo sidoo kale hooyadii geeriyootay isagoo yar 1994-kii, kuna soo koray nolol qallafsan  oo dayac  iyo darxumo badan ayaa illaa horraantii sannadka 2013 ay  si mutadawacnimo ah uga shaqaynayeen xubno ka tirsan  Qurbajoogga Somaliland, shakhsiyaad ay aabbihii saaxiibbo ahaayeen iyo mutadawaciin kale oo dalka jooga iyagoo gaar ahaan ku dadaalay inay codkiisa la maqlo, lana xidhiidhay  hay’ado badan oo ka tirsan dawladda Britain.

Inkasta oo saxaafadda Somaliland ee madaxabannaan sida Somalilandpress,  Horn Cable TV, Bulaxaarnews iyo laamo kale ay runtii aad uga qaybqaateen in qadiyaddiisa la oggolaado, waxana hadana markii u horraysay  meelo badan oo dalka Ingiriiska ah laga ogaaday  qadiyadda Nimcaan  markii uu Wargayska  Dartmouth Chronicle  uu maqaal dheer oo xaqiiqooyin iyo xiqashooyin badan oo taariikhdii  Brian Bowden iyo xaaladda nolosha Brian Bowden  ka qoray  jimcihii hore.

Tifaftire ku xigeenka Wargayska Dartmouth  Stuart Nutell oo runtii isku hawlay inuu dhinacyo badan oo kala duwan kala xidhiidho arrinta wiilkan British-Somalilander-ka ah ayaa markale  Jimcaha maanta  maqaal kale ka qoray arrinta Nimcaan Brian Bowden.

Wargayska ayaa sheegay in Safiirka dhawaan loo soo magacaabay Somaliya ee dawladda Britain  uu sheegay inuu u kuur galayo arrinta ku saabsan  wiilka uu dhalay nin ka soo jeedaa magaaladaas Dartmouth oo Hargeysa ku nool

Nigen Wigan oo bilawgii todobaadkan uun shaqada danjirenimo bilaabay ayaa isagoo ka jawaabaya  Email uu Wargayska Dartmouth u qoray sheegay in arrant wiilkan lagu wargeliyay isagoo aan shaqadaba bilaabin markii  ay sheekadani ku soo baxday  Wargayska Dartmouth todobaadkii hore.

Safiirka Britain ee Somaliya Nigen Wigan ayaa  sheegay inuu kala tashanayo shaqaalaha gudaha ee safaaradda si uu wararkan ugu dambeeyay  ee Nimcaan Brian Bowden wax uga ogaado.

Maqaalka dambe ee Wariye Stuart Nutell ee Wargayska Dartmouth maanta ka qoray  Nimcaan Brian Bowden oo dheeraa, dhinacyo kala duwan oo muhiim ahna uu wariyuhu  la xidhiidhiyay maqaalkan, waxa hadana xusid mudan in dhawaaqa ka soo baxay  Safiirka Ingiriiska ee  Somaliya u jawaab u noqon karo codsiga  Nimcaan Brian Bowden uu kaga dalbanayo Dawladda Ingiriiska in la siiyo  sharciga dhalashada Britain  isaga iyo xaaskiisa taasoo uu xaq u leeyahay.

Wariyaha maqaalkan maanta qoray ee Wargayska  Dartmouth oo magaciisa la yidhaaho  Stuart Nutall wuxu ka codsaday cidkasta oo waxka og ama ka ogayd  Brian Bowden   inay  kala soo xidhiidhaan  Wariyaha oo cinwaannadan leh    If you knew Brian Bowden, please email stuart.nuttall@ tindlenews.co.uk or telephone 01548 856353. 

For reading more of the article please follow the link below

http://www.dartmouth-today.co.uk/