Dawladda Imaaraadka Carabta oo Xorriyaddiisa u soo celisay Boqor Cismaan Buur-madow

Hargeysa (SLpost)- Dawladda dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta xorriyadiisii u soo celisay Boqor Cusmaan aw-Maxamuud (Buur-madow) oo mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland.

Boqor Buur-madow oo muddo lix todobaad u xidhnaa ciidamada ammaanka ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta isla markaana laga qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dubai ayaa la sheegayaa in sii-dayntiisu ka dambaysay ka dib markii ay ka hawl-galeen masuuliyiin ka tirsan dalal aan la magacaabin.

Xadhigga Boqor Buur-madow oo ilaa hadda aan si rasmi ah loo shaacin sababtiisa ayaa haddana waxa ay wararka la isla dhex marayaa sheegayaan inay la xidhiidho Arrimo siyaasadeed oo loo badinayo inuu xidhiidh hoose la lahaa qoyska Qaddaafi ee dalka Liibiya.

Waxa muddooyinkii ugu dambeeyey isa soo taraysay baaqyo ay qaar ka mid ah madax-dhaqameedka beesha uu boqorku ka dhashay u soo jeedinayeen xukuumadda Somaliland iyo weliba Imaaraadka Carabta, taas oo ay kaga codsanayeen in la sii daayo Boqor Cusmaan.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net