Dawladda Hoose oo sheegtay in Laydhadh Tamarta Cadceedda Ku shaqaynaya ay ku xidhayaan Garoonka Hargeysa

 

 

Hargeysa(SLpost)-Garoonka ciyaaraha ee Hargiesa Stadium ayaa dib u dhis aad u heersareeya lagu sameeyay isaga oo la dhigay roogga cagaaran ee garoomada dunidaba la dhigo. Waxa sidoo kale garoonka ka muuqanaya qurxin iyo qorshayn is garab socota oo loogu diyaargaroobayo wareegga sided-dhammaadka ee koobka gobolada Somaliland oo dhawaan ka bilaabmi doonna.

 

Gudoomiyaha gudida arrimaha bulshada ee dawladda hoosee Hargeysa xildhibaan mubaarig Cabdi Malaw iyo Xoghayaha arrimaha bulshada Xildhibaan Axmed Daahir oo maanta warbaahinta kula hadlaya gudaha garoonka ciyaaraha ee Hargiesa Stadium ayaa sheegay in ay dawladda hoose garoonka ka hirgalinayso garoonka laydhadh ku shaqayn doona tamarta cadceeda oo 12 xabo ah.
Ugu horayn Xildhibaan Mubaarig Cabdi Malaw oo ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Gudida arrimaha bulshada ee dawladda hoose hawsha ay halkan u joogtaa waa mid ka mid ah waajibaadka qaran ee nagaga soo hagaagay ka golle deegaan ahaan. Hawshan oo ah in aan garoonka stadiumka ku caawino 12 xabo oo laydhka ammaanka ah oo gudaha iyo dibadaba lagu xidhayo. Waxa aan aad u amaanayaa labadii gobol ee wareeggii hore lagu qabtay”

 

Xildhibaan Axmed Daahir ayaa isaguna waxa uu ka dhawaajiyey in Magaalada Hargeysa ay si ammaan ah waligeedba uga dhici jirtay maanta ay si ammaan ah uga dhici doonto, waxaana uu yidhi “Dhammaan ciyaartoyga gobolada ee Hargeysa yimidba gacmo furan baannu ku soo dhawaynaynaa. Haddii xagxashooyin yari jireen, waxba kama jiraan Hargeysa oo waligeedba waxba kama dhici jirin maantana waxba ka dhici maayaan baannu leenahay oo annagaa ka masuul ah. Waxaan u soo jeedinayaa dhallinyarada Hargeysa in ay martida soo dhaweeyaan oo waligeedba martida waa la sooryeyn jiree aynnu si fiican u soo dhawaynno”.

 

 

 

Somalilandpost, Hargeysa Office, 2015