Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ku dhawaaqday inay Joojisay Bixinta Dhulka iyo dhaliilo ka soo baxay nidaamka cashuuraha dhulka

Hargeysa (SLpost)- Golaha Deegaanka magaalada Hargeysa, ayaa gebi ahaanba joojiyey Bixinta Dhulka, ka dib markii ay soo baxeen farsamo xumo iyo khiyaamooyin dawladda iyo shacabka ka dhex abuuray kalsooni-darro, taas oo ay samayn jireen shakhsiyaad u dhexeeya dawladda hoose iyo Shacabka.

Go’aanka lagu joojiyey dhulka ay bixin jirtay dawladda Hoose, ayaa soo baxay maanta ka dib Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa, halka Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) uu xafiiskiisa ku qaabilay dadweynaha caasimadda ee tabashooyinka dhinaca dhulka ah ka tirsada dawladda oo todobaadkii uu maalin kulan la yeesho. Waxaana kulanka dhegaysiga cabashada dadweynaha ka dib soo baxay arrinta dhalisay go’aanka uu ku dhawaaqay Maayar Soltelco.

HALKAN KA DAAWO