Dawladda Hoose ee Hargeysa oo bilowday Olole Geedka Garan-waaga lagaga Dabar-jarayo Caasimadda

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa, ayaa bilowday Olole caasimadda lagaga dabar-goynayo geedka loo yaqaano Garan-waaga oo dhibaato badan ku haya waddoyinka halbawlaha ah ee ku yaalla Magaalada iyo goobaha biyo-mareennada ah.

Hawlgal geedkan lagaga nadiifinayo Jidka Laamiga ah ee taga Garoonka diyaaradaha ee magaalda Hargeysa oo maanta la bilaabay, waxa hormood ka ahaa Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo Geedka Garan-waaga ku tilmaamay inuu qayb ka yahay caqabadaha ku gedaaman bilicda Caasimadda Hargeysa, waxaanu faahfaahin ka bixiyey qorsheyaal dawladda Hoose ee Hargeysa kaga hortagayso dhibaatada uu geedkaasi bulshada iyo deegaankaba ku hayo uu sheegay inay soo badanayso.

dhirgooyeMaayar Soltelco oo saxaafadda kula hadlay isla goobihii dhirtaas laga googooynayey, ayaa sheegay in Geedka Garanwaagu kaw ka yahay Bilic-xumo kasta oo caasimadda ku timaadda, waxaanu yidhi, “Maanta waxaanu halkan ka Bilownay mashruuc dhawr arrimood iskugu jira oo ah marka hore in la banneeyo biyo mareenada oo dhibaatada haysataa tahay Geedka Garanwaaga oo si weyn uga Baxay iyo ta labaad oo ah in shacbigu qashinka dhigayo gobaha Biyo-mareenada ah, iyadoo shirkadihii ka Hawlgelayey joogaan, Shacabkana waxan leeyahay ka daaya Biyo mareenada Qashinka,” ayuu yidhi Maayar Soltelco.

Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Markuu Mashruucani dhamaado ee geedkaas waddoyinka laga guro waxa la Bilaabayaa mashruucii waddada Garoonka Diyaaradaha Tagta, mashruucaasna waxa la doonayaa in saddex qaybood iska kaashadaan, kuwaas oo kala ah Dawladda Hoose, Dawladda Dhexe iyo Dadweynaha oo aynu dhigno daamurkii muhiimka ahaa oo aynu ku xidhno suuqa Hoose waana kharash badan shacabkana waxanu usoo jeedinaynaa inay dhankooda u diyaar garooba, waxana inaga go’an inaynu samaysano waddo aan muddo soddon sano ah waxba noqonin.”

Hawl-wadeenada Dawladda Hoose oo adeegyada Cagafyo, ayaa iyagu maanta tiro badan oo kamid ah Geedka Garanwaaga ka binneeyey dhul Ballaadhan oo ku teedsan waddada laamiga ah ee tagta Garoonka diyaaradaha ee Caasimadda, waxaanay maalmaha soo socda sii wadi doonaan Ololeyaal ka mug weyn oo lagu xagaafayo Geedkan oo lagu tilmaamo inuu qayb ka yahay sababaha ugu horreeyey ee horseedka u ah nabaad-guurka dhulka.

Agaasimaha Waaxda Bilicda ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Khadar Yuusuf Cali oo goobjoog ka ahaa hawl-gelka dawladda Hoose maanta ka fulisay dhulka ku teedsan Jidka Madaarka, ayaa sheegay in jaridda geedkani ay muhiim u tahay caasimadda, isla-markaana ay kor u qaadi doonto Bilicda caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET