Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Bilowday Diiwaangelinta Gaadiid noociisu ku fara-badatay gudaha magaalada

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Hoose ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa bilowday diiwaangelin lagu tira-koobayo gaadiidka yar-yar ee dadweynaha, gaar ahaan kuwa Dukhaanka loo yaqaanno oo muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanayey magaalada.

Waaxda Cashuuraha iyo Dakhli-ururinta ee Dawladda Hoose, waxa ay isla maanta bilowday diiwaangelinta gaadiidkan oo isugu jira qaar shirkado leeyihiin iyo qaar shakhsiyaad gaar ahi iska leeyihiin, waxaana lagu buufiyey Calaamka lambar baabuur kasta gaar u noqonaya iyo astaanta dawladda Hoose ku qoran yihiin, iyada oo baabuur kasta laga qaaday cashuurta diiwaangelinta oo dhan 15-kun oo Shilin Somaliland ah.

gaadTallaabadan iyo qorshaha dawladda Hoose ka leedahay, waxa sharraxaad ka bixiyey Agaasimaha Cashuuraha iyo Dakhli-ururinta Yuusuf Sooraan Ismaaciil oo gaadhigii ugu horreeyey gacantiisa ku dhejiyey calaamadda u gaarka ah Golaha Deegaanka ee Hargeysa, taas oo muujinaysa ama lagu garanayo baabuurka la diiwaangeliyey.

“Baabuurtan ayaanu ku bilawnay diwaangalinta, waa Mini Taksi,waxaanu ku samaynay Calaamadii Dawladda hoose ee Naaso-hablood, sidoo kale BL lambar oo ah Baabuur Lambar, gaadhigan aanu ku buufinayna waa 01 oo ah Gaadhigii koowaad oo ay leedahay Shirkadda Sugan oo aan anigu gacantayda ku buufiyay. Sidoo kale waxaan ka qaadnay Diwaangalintii oo shan iyo toban kun oo Shillinka Somaliland ah, barrina waxaanu bilaabaynaa Shirkaddaha kale sidaasayna hawshani ku soconaysaa,” Sidaas ayuu yidhi Agaasime Yuusuf Sooraan.

gaaddDhinaca kale, mulkiilayaasha iyo darawallada baabuurtan, ayaa soo dhaweeyey hanaankan cusub ee Dawladda hoose ku diiwaangelinayso gaadiidkooda oo ay tilmaamay mid faa’iido u leh faa’iido.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland