Dawladda Hoose Ee Burco Iyo Muuqaalka Magaalada

Mahad dhammaanteed alle ayay usugnaatay (SWT) marka labaad waxaa mahad celinayaa saxaafada Somaliland.

Waxaan doonayaa inaan si kooban uga hadlo xaalada ama muuqaalka iyo bilicda magaalada burco iyo siday u egtahay.

burcoInta badan hadaad lugaysid magaalada burco wadooyinkeeda iyo goobaha faras magaalaha ah waxa indhahaagu qabanayaan nadaafad darada iyo wado xumada ka muuqata iyo bilicda magaalada oo aan caadi ahayn.

Hadaba waxa is waydiin mudan dawlad ahaan iyo shicib ahaanba inaynu isa suaalno yaa inooga masuula hagaajinta iyo habaynta bilicda magaalada.

Suaashan jawaabteeda waa inagu AMAAH waxaana muhima qofkasta oo reer burco ah inuu jawaabta bixiyo si uu u fahmo cida hawshaas loo igmaday dawlad ahaan iyo shicib ahaanba.

Markaan ka jawaabno suaashaas ayaan (TALO, TUSAALE IYO CANBAARAYNBA SOO JEEDIN KARNAA)

 

Aad baad umahadsantihiin saxaafada Somaliland

 

Qalinkii: Abdifatah Basher Hassan

basherson@gmail.com

Burao,Togdheer, Somaliland