Dawladda Ethiopia oo loo dhisayo Dhuuntii Shidaal u horeysay ee Ku xidhaysa Xeebaha Badda Cas

ADDIS ABABA (SLpost)- Shirkado maal-gashi oo gaar loo leeyahay, ayaa waddamada Itoobiya iyo Jabuuti u gudbiyey qorshe lagu dhisayo Dhuun nooca shidaalka qaada ah oo ay ku baxayso Lacag dhan 1.4 Bilyan oo Dollar, taas oo dhismaheedu qaadan doono muddo laba sanno ah.

Ethiopia PipelineShirkadaha fulinaya maal-gelintan oo qorshahan u gudbiyey labada dawladood lix bilood ka hor, ayaa lagu kala magacaabaa Black Rhino Group, MOGS (Mining, Oiil & Gas Services) oo ay iska leedahay shirkad maalgelineed oo lagu magacaabo Royal Bafokeng Holdings oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika, sida uu daabacay Wargeyska Addis Fortune oo aanu warkan ka soo xiggannay.

Waxa ay shirkaduhu qorsheyeeen inay dhisayaan Dhuunta Shidaalka oo dhererkeedu dhan yahay 550 KM, taas oo si toos ah shidaalka uga soo qaadaysa Maraakiibta taagan dekedda Jabuuti, isla markaana shidaalka geyn doonta Xarun Keyd ah oo laga samaynayo magaalada Awash ee dalka Itoobiya, halkaas oo dalka intii kale looga qaybin doono, iyada oo la adeegsanayo booyadaha shidaalka.

Sida wargeysku daabacay, dawladda Jabuuti ayaa markii qorshahan loo gudbiyey u sheegtay labada shirkadood ee mashruucan fulinaya inaanay adeegyada Dekeddooda wakhtigan ku fillanayn inay daboosho baahida mustaqbal ee dawladda Itoobiya ku dalbanayso helitaanka shidaal ku filan oo dalkeedu helo, taas oo adeegyadii hore ee dekeddu u qaban jirtay ku kordhinaysa boqolkii 10 badeecadaha kala duwan ee Itoobiya sannad kasta kala soo degto dekedda Jabuuti.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu hoos u dhigo dhibaatooyin dawladda Itoobiya ka haysta booyado shidaalka uga dekedda Jabuuti, ka dib markii ay gabaabsi noqdeen gaadiidkii markii hore loo adeegsan jiray Shidaalka dalka Jabuuti uga taga Itoobiya. Wakaaladda soo-dejinta Shidaalka Itoobiya, ayaa sannadkan qorsheysan inay la soo degto 2.9 milyan oo tan oo shidaal ah, halka sannadkii hore ay la soo degtay 2.6milyan oo Tan, iyada oo qaybo ka mid ah shidaalkaasi uga yimaaddo dalka ay deriska yihiin ee Sudan.

Guddoomiyaha Shirkadda Black Rhino, Brian Herlihy, ayaa 21-kii bishii hore qorshahan kaga hadlayey kulan lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo ay soo qaban-qaabisay shirkad fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Energy Net Ltd.

Waxa uu sheegay in dawladda Itoobiya daraasad ku samaynayso qorshahan isla markanaa ay dawladda Jabuuti ku faraxsan tahay hirgelintiisa. Waxa uu sheegay ku-dhaqaaqista hirgelinta mashruuca laysku af-garto inay shirkad ahaan gudo-galayaan isla markaan daraasad dhinaca deegaanka ku samaynayaan xaaladda iyo goobihii laga samayn lahaa dhismaha dhuunta shidaalka.

Sida lagu sheegay warbixinta jariiradda lagu daabacay, saraakiil sar-sare oo ka tirsan wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Itoobiya, ayaa xaqiijiyey in qorshahan la gudbiyey oo wakhtigan lays la eegayo sida suurta-galka ah ee loo waajahi karo, iyada oo ay gacanta ku hayaan Wasaaradaha Maaliyadda & Horumarinta, Arrimaha Dibadda iyo Gaadiid ee Itoobiya.

SOMALILANDPOST.NET