Dawladda Ethiopia oo dalkeeda Ka mastaafurisay Prof Cali Khaliif Galaydh iyo Sababta ka dambaysa

cali khaliif galaydhAddis Ababa (SLpost)- Hoggaamiyaha Kooxda la magac-baxday Khaatumo ee Nabad-gelyo-darrada ka wada deegaamada Bariga Somaliland, ayaa dawladda Itoobiya ku amartay inuu dalkeeda si deg-deg ah uga baxo, ka dib markii dorraad socdaal ku tagay magaaladaas.

Sida aanu ka soo xigannay shabakadda wararka HOL, warar laga helay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in Cali Khaliif Galyedh lagu amray inuu isaga baxo dalka Itoobiya.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ay dowladda Itoobiya dalkeeda uga masaafurisay Cali Khaliif, laakin waxaa loo maleeynayaa inay jiraan gacmo shisheeye oo dowladda Itoobiya ku kasbay inay dalkeeda la masaafuriyo hoggaamiyahan oo nabadgelyo-darro ka wada gudaha deegaamo ka tirsan Somaliland.

Cali Khaliif Galaydh oo kooxda la baxday Khaatumo ugu magacaaban Madaxweyne, ayaa todobaadkan socdaal ku tagay magaalada Buuhoodle, isaga oo ka yimi dhinaca gudaha Itoobiya oo saldhig u ahay bilihii u dambeeyey, ka dib markii ciidamada Somaliland baacsadeen isaga iyo xildhibaanno iyo siyaasiyiin dawladda Somaliya ka tirsan oo deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool u joogay caleemo-saar loo samaynayey Cali Khaliif.

Somalilandpost.net