Dawladda Djibouti Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadashay Hawgalka Ka Dhanka ah AL-Shabaab

Djibouti (SLPOST) Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay howlgalada ka dhan Ururka al-Shabab ee ka socda gobolada Koonfureed ee Soomaaliya oo ay qaadeen Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadada Djibouti

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo u waramayay VOA-da ayaa sheegay in howlgaladan hadafkoodu yihin sidii gobolada ay haystaan al-Shabaab looga xoreyn lahaa isla markaana laga hirgeliyo maamulo.

 

Waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka ka socda Geeska Afrika ee Burcadbadeednimo iyo argagixiisnimo ay la xiriirto xaaladda Soomaaliya, siduu sheegay.

 

‘’Nabadsugida Soomaaliya meel fiican bay maraysa, hadafka howlgalada waxaa weeye in Xukuumadda Federaalka dhulalkii la xoreeyay gacanta ku dhigto oo maamul sameyso,” ayuu yiri Wasiirka.

 

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Federaalka ayaa mudo bil gudaheeda Ururka al-Shabaab ka qabsaday toban magaalo oo intooda badan yihin kuwa istiraatiiji.

 

Dowladda Jabuuti ayaa qayb ka ah howlgalka AMISOM iyadoo Ciidamadooda ay ku sugan yihin gobolka Hiiraan.

 

Dhowaan weerar ismiidaamin oo ka dhacay magaalada Buulo-burde markii ay kala wareegeen al-Shabaab waxaa uga geeriyooday todobo askari.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland