Dawladda Denmark oo Madaxweyne Siilaanyo si adag ugala hadashay hirgelinta diiwaangelinta, doorasho aan dib-u-dhac ku iman iyo dhawrista Xorriyatul-Qawlka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta dawladda Denmark Mogens Jensen, ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobbo xasaasi ah oo ay isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa si adag ugala hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa, ka dib markii ay shalay kulan ku wada yeesheen xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

DSC_0192Qodobbadaas Xasaasiga ah ee uu Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Denmark oo hoggaaminaya Wefti Salaasadii socdaal shaqo ku yimi Hargeysa, waxaa ka mid ah isu-diyaarinta doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland oo aan dib uga dhicin badhtamaha 2015-ka oo ay ku beegan yihiin, in ka hor si buuxda loo suurageliyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland. Waxa uu Wasiirku sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa si adag ugala hadleen ilaalinta Xorriyatul-qawlka iyo dhawrista xorriyadda Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland.

Wasiir Mogens Jensen waxa uu wax weyn oo aad loogu farxo ku tilmaamay joojinta Gudniinka Gabdhaha oo uu sheegay inay Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina-waris Sheekh Maxamed Jirde saddex toddobaad ka hor ku saxeexday Shir Gudniinka Gabdhaha Caalamka lagaga hadlayey oo ay kaga qayb-gasay magaalada London ee waddanka Ingiriiska.

“Waxaan uga mahad-celinayaa Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirradiisa aan la kulmay, sidii wanaagsanayd ee ay noo qaabbileen aniga iyo Weftiga aan hoggaaminayo, Denmarka iyo Somaliland waa laba waddan oo xidhiidh qoto dheer leh, wada-shaqaynta naga dhaxaysaa waa mid immikaba midheheedii muuqdaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta dawladda Denmark Mogens Jensen oo ugu horreyn ka hadlay dareenka lagu qaabbilay isaga iyo Weftigiisa.

Wasiir Mogens Jensen waxa uu ka sheekeeyey xidhiidhka iskaashi iyo wada-shaqayneed ee ka dhexeeya dawladdiisa iyo Somaliland, isla markaana waxa ammaanay heerka ay Somaliland maanta marayso iyo tallaabooyinka looga baahan yahay inay qaaddo, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi; “Somaliland waa dal dhisan oo horumar ka sameeyey dhinacyo badan oo ammaanka, dimuqraadiyadda iyo shaqo abuurka shacabku ay ka mid yihiin, sidaas oo ay tahay haddana kulankii aannu yeelannay waxaannu kaga wadahadalnay sidii loo sii kordhin lahaa dariiqyada horumarka si natiijooyin kale oo dheeraad ah ay u soo baxaan, oo la xidhiidha sidii ay Somaliland u noqon lahayd waddan ay dadkiisu si fiican ugu noolaan karaan. Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan halkan ka xuso in dowladda Denmark ay Mustaqbalka Jeceshahay inay sii xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland.”

Wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta dawladda Denmark Mogens Jensen, mar uu faahfaahinayey nuxurka qodobbada ay Weftigiisa iyo Madaxweynaha Somaliland kaga wadahadleen kulanka ay shalay ku wada-yeesheen Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Hargeysa waxa uu yidhi; “Waxa kale oo aannu ka wadahadalnay meelaha kale ee aannu u baahannahay inaannu horumarin ka samayno, markay timaaddo dabcan, shaqo-abuurka, markay timaaddo in laga gacan-siiyo dhinaca kor u qaadidda wax soo-saarka Beeraha ama Kalluumaysiga. Waxa aannu ka wada xaajoonnay, kor-u-qaadidda goobaha lagu barto Farsamada gacanta.”

“Waxa kale oo aannu ka doodnay sida ilaalinta Xuquuqda Aadamuhu ay muhiimka ugu tahay horumar waddankiinnu sameeyo. Illaalinta Xorriyatul-qawlka iyo ilaalinta xorriyada Saxaafadda, iyadoo ay weliba khaas u sii tahay Somaliland oo isu diyaarinaysa doorashooyin ka qabsooma sannadka 2015-ka, waxaanan aad uga hadalnay diyaargarowga doorashooyinkaas, iyadoo ay muhiim tahay in diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyeesha la sii dhammaystiro.” ayuu yidhi Mogens Jensen.

Waxaanu Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Denmar oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Anigoo ku hadlaya afka dawlada Denmark, waxaan jecelahay inaan qadarin u muujiyo heerka sare ee ay Xukuumadda Somaliland ka gaadhay, Sinnaanta Xuquuqda Jinsiga (lab iyo dheddig), iyadoo Dumarka Somaliland ay awood u leeyihiin inay ka qayb-gallaan Baayac-mushtariga, Dimuqraadiyadda iyo Xisbiyada Siyaasadda.”

Waxa uu sheegay Wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta dawladda Denmark Mogens Jensen inay soo dhawaynayaan go’aanka ay qaadatay Marwada Koowaad ee Somaliland Gudniinka Gabdhaha, waxaanu yidhi; “Sidoo kale waxaan jecelnahay inaan qaddarin u muujinno halkay iska taagtay Gudniinka Hablaha joojintiisa Marwada Koowaad Somaliland, kuna soo saxeexday Shirkii ay London saddex toddobaad ka hor kaga qayb-gashay, aad baanan ugu faraxsanahay go’aankaas ay Somaliland ka qaadatay, taas oo farriin farxad leh u noqonaysa waddamada kale ee caalamka. Mar kale ayaan idiinka mahad-celinayaa soo dhawayntiina, waanan ku faraxsanahay joogitaankayga Somaliland.”

Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta dawladda Denmark Mogens Jensen oo Salaasadii dorraad soo gaadhay magaalada Hargeysa, ayaa isugu jira Masuuliyiin ka kala tirsan Wasaaraddiisa, Wasaaradda arrimaha dibedda, Diblamaasiyiin, Ganacsato iyo Suxufiyiin labaataneeyo ku dhaw oo dhammaantood ka socda dalkiisa, isla markaana waxay ka sokow kulanka ay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo Xubnaha ka tirsasn Golaha Wasiirrada, waxay soo mareen goobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Sayladda iibinta Xoolaha ee Hargeysa iyo goobo kala duwan oo Ganacsi, si ay xog-ogaal ugu noqdaan goobo u qorshaysan inay mashaariic horumarineed ka hirgeliyaan.

Xigasho: Wargeyska Himilo